Liverpool Oo Luminaysa Afar Ciyaartoy Oo Muhiim Ah Kaddib Isbeddel Ay

Kooxda kubadda cagta  Liverpool ayaa madax-xanuun kusoo socdaa toddobaadyada soo aaddan, sababtuna waxay tahay in isbeddel ay FIFA ku samaysay sharcigeedu uu sabab u noqonayo in Reds ay lumiso afar ka mid ah ciyaartoygeeda muhiimka ah bisha soo socota.

Tababare Jurgen Klopp oo ay kooxdiisu si fiican ku bilaabatay horyaalka Premier League oo ay kulankii furitaanka 3-0 ku garaaceen Norwich City ayaa waxa uu dareemayaa in qalalaase uu kusoo socdo uu uu waayi karo xiddigaha waaweyn ee naadigiisa bisha dambe ee September.

Liverpool oo ay ciyaaro adag kusoo aaddan yihiin ayaa waxay waayi doontaa ciyaaryahannada ay ka mid yihiin Alisson Becker, Roberto Firmino iyo Fabinho oo reer Brazil ah oo lagu darayo Mohamed Salah, kuwaas oo dalalkooda dib ugu laaban doona xilliga ay kooxdoodu isku diyaarinayso kulamada adag ee ay ka mid tahay Leeds United.

Xidhiidhka kubadda cagta adduunka ee FIFA ayaa isbeddel ku sameeyey sharcigii naadiyada u ogolaanayay in ay ciyaartoyda ka joojiyaan in ay xulalkooda tegi karaan haddii ay soo laabashadooda dhibaato ka imanayso, waxaana hadda awoodda la siiyey ciyaartoyda oo go’aankooda gaadhi doona.

Bisha September oo ay dhacayaan kulamada caalamiga ah, ayaa afarta ciyaartoyee Alisson Becker, Firmino iyo Fabinho la filayaa in ay u ciyaaraan xulka dalka dalkooda Brazil kulamada isreeb-reebka Koobka Adduunka oo ay September 2 illaa September 9 waajihi doonaan Chile, Argentina iyo Peru.

Tababare Tite ayaan ka tegi karin ciyaartoydan, waxaase marka ay kusoo laabtaan UK ay geli doonaan karantiil ugu yaraan shan maalmood ah maadaama ay dalalkoodu ku jiraan ‘liiska khadka cas’ ee UK ay go’doonka gelinayso dadka ka yimaadda.

Saddexda ciyaartoy ee reer Brazil ayaa Jimcaha September 10 marka ay soo dhamaato ciyaarta Peru waxay usoo duuli karaan UK waxaanay geli doonaan karantiil, halka Liverpool ay maalinta Axadda ee September 12 ay marti u noqon doonto Leeds United oo ay ciyaartoodu bilaabmi doonto 6.30pm, waxaana Klopp madax xanuun ku noqon doona sida uu u buuxinayo boosaska ciyaartoydan.

Alisson, Firmino iyo Fabinho ma seegayaan oo kaliya ciyaarta Leeds, laakiin waxa kale oo ay maqnaan karaan ciyaaraan lugta hore ee kulanka Champions League ee wareega group-yada iyo sidoo kale ciyaarta Crystal Palace ee September 18.

Mohamed Salah oo isagana lagu daray xulka qaranka Masar ee kulamada isreeb-reebka Koobka Adduunka ee Angola iyo Gabon, ayaa sidoo kale geli kara karantiil sidan oo kale ah, waxaana uu halis ugu jiraa in uu seego saddexda ciyaarood ee ay Alisson, Firmino iyo Fabinho ka maqnaanayaan.

Brazil iyo Masar waxa kale oo ay bisha October ciyaari doonaan kulamo kale oo Liverpool ku xumaynaya xaaladda, waxaana suurtogal ah in afartan ciyaartoy ay mar kale ay seegaan kulamada Watford, Manchester United iyo kulanka saddexaad ee wareegga Group-yada ee Champions League.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More