KOOXDA USBUUCA: Shaxdii Ugu Fiicnayd Premier League Toddobaadkan &

Shabakadda ururinta xogaha kala duwan ee kubadda cagta ee Whoscored ayaa soo saartay shaxda ugu fiican toddobaadkan ee horyaalka Premier League oo ahaa usbuucii furitaanka ee xilli ciyaareedka 2021-22.

Aan ku horraynee goolhayaha shaxdan ayaa ah shabaq-ilaaliyaha kooxda Brentford ee Raya oo shabaqiisa uga dhaartay Arsenal halka labada daafac dhexe ay yihiin Duffy oo Brighton u sahlay guul ay kasoo gaadhay Burnley iyo Trevoh Chalobah oo Chelsea gool u dhaliyay kulankii ay 3-0 ku jiidheen Crystal Palace.

Daafaca midig ayaa ah xiddiga Brentford ee Canos oo isaguna goolkii furitaanka ee xilli ciyaareedka kasoo dhaliyay Arsenal halka uu daafaca bidix kasoo muuqday Marcos Alonso oo isaguna gool usoo dhaliyay Chelsea ciyaartii Palace.

Afarta khad dhexe ayaa kala ah Bruno Fernandes oo saddexley kasoo dhaliyay Leeds ciyaartii ay 5-1 ku dar-dareen Leeds United, sidoo kale Paul Pogba oo afar caawimo kasoo sameeyay ciyaartaas ayaa kasoo muuqday.

Labada xiddig ee kale ee khadka dhexe dhammaystiraya ayaa ah Tomas Soucek oo gool usoo dhaliyay West Ham oo 4-2 kaga soo adkaatay Newcastle United iyo Mohamed Salah oo laba caawimo iyo gool kusoo sameeyay Norwich City isaga oo Liverpool guul 3-0 ah u sahlay.

Labada weeraryahan ayaa kala ah Dennis oo gool iyo caawin usoo sameeyay Watford oo 3-2 kaga guuleysatay Aston Villa iyo Mason Greenwood oo gool uga soo dhaliyay Manchester dhigeeda Leeds.

Shaxda Oo Dhammaystiran & Qiimaynta Xiddig Kasta Helay

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More