Jurgen Klopp Oo Shaaciyey Kulanka Ugu Horreeya Ee Virgil Van Dijk Uu
Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa qish kasii bixiyey kulanka ugu horreeya ee uu difaaca reer Netherlands ee Virgil van Dijk uu u ciyaari doono Liverpool, kaddib dhaawac jilibka ah oo uu muddo dheer ku maqnaa.
- Advertisement -
Van Dijk ayaa bishii October ee sannadkii hore laga qalay jilibka markii uu dhaawac kasoo gaadhay kulan ka tirsanaa horyaalka Premier League oo ay Liverpool iyo Everton wada ciyaareen, waxaana soo kabashadiisu ay ku qaadatay muddo sagaal bilood ah.
Tababare Klopp ayaa rajaynaya in Van Dijk uu ciyaari karo kulamada saaxiibtinimo ka hor inta aanu bilaabmin xilli ciyaareedku si uu taam ahaansho buuxa oo jidheedh u heli karo maadaama uu muddo dheer garoomada ka maqnaa.
30 jirkan ayaa maqnaanshihiisu uu sababay in Liverpool ay hoos uga dhacdo hoggaankii ay waqtigaas haysay, sidoo kalena ay si dirqi ah dhamaadkii xilli ciyaareedka ugu soo dagaallanto kaalinta saddexaad oo ay waqti dambe soo gashay.
Si kastaba, Klopp ayaa sheegay tibaaxay in uu rajaynayo in Van Dijk uu ciyaaro daqiiqado ka mid ah kulanka saaxiibtinimo ee Hertha Berlin oo Khamiista toddobaadkan kulmi doonaan.
“Waan rajaynayaa, mase hubo. Waxa jirta fursad uu Van Dijk daqiiqado ku ciyaari karo [kulanka Hertha Berlin].” Ayuu yidhi Klopp.
Isagoo hadalkiis sii wata waxa uu intaa raaciyey: “Tababarkii wuxuu u muuqday in uu fiican yahay, waxaana laga yaabaa in aanu soo gelino [ciyaarta Hertha ee Khamiista], laakiin waxa aanu u baahanahay in aanu wada-hadalkii u dambeeyey yeelano. Wuxuu u muuqdaa inuu fiican yahay, waanaynu arki doonaa.”