Gool uu Ka Dhaliyay Euro 2020 Ayaa Sababay In Erey Cusub Lagu Kordhiyo
Qaabka uu Lorenzo Insigne goolasha ugu dhaliyo cagtiisa midig ee kubadaha jaran ama saran ayaa loo bixiyay magaca “tiraggiro’, waxaa si rasmi ahna loogu daray khaamuuska Talyaaniga.
- Advertisement -
Waa erey ka kooban seddex erey oo la isku qabtay oo kala ah “tiro a giro’ oo micnaheedu yahay kubad jaran ama kubad saran.
Ereygaan waxaa markii ugu horeysay alifay taageerayaasha Napoli kuwaasoo si ka duwan sidaan ugu dhawaaqi jiray taasoo aheyd ‘destraggiro’ – oo ah kubad jaran oo cagta midig lagu soo qaaday.
Wuxuu ereygaan caan sii noqday ka dib wacdarihii uu Insigne ka dhigay ciyaarihii Qaramada Yurub ee Euro 2020 gaar ahaan goolkii uu cagta midig ku soo qaaday ee quruxda badnaa ee uu ka dhaliyay xulka Belgium wareegii sideeda.
Waxaa xitaa jiray taageere ku sugnaa garoonka Wembley ciyaartii finalka ee ay la dheeleen England oo xirnaa maaliyad Talyaani ah oo ay xaga danbe kaga qoran tahay ‘Tiraggir’.
Xitaa asxaabta ay wada ciyaaraan Insigna ayaa ereygaan u isticmaalayay inay ku qeexaan goolashiisa.
Haatan ‘Tiraggiro’ waxaa lagu daray khaamuuska Trecani oo ah khaamuuska rasmiga ah ee Talyaaniga ee u dhigma Oxford English Dictionary.
Qaar ka mid ah taageerayaasha Juventus ayaa ka carooday in khaamuuska lagu qeexo in ereygaan uu la micno yahay qaabka uu goolasha u dhaliyo Insigna madaama Alessandro Del Piero uu caan ku ahaa tobanaan sanno ka hor halinta goolasha kubadaha jaran.
Si kastaba, goolasha Del Piero waxaa la oran jiray ‘gol alla Del Piero’ (Goolkii Del Piero), mana aysan suurtogelin inuu ka mid noqdo khaamuuska madaama laga dhigi waayay hal erey oo isku xiran.