Milyaneerka caanka ah ee Elon Musk ayaa shaaciyay tallaabo dhiirrigelin maaliyadeed ah, isaga oo caddeeyay in carruurta Maraykanka ee leh akoonnada loogu magac daray “Trump Accounts” ay heli doonaan saamiyo ka tirsan shirkaddiisa hawada sare ee SpaceX.
Qorshahan ayaa dhigaya in ilmo kasta uu helo laba saami, iyadoo shirkadda SpaceX ay bixinayso hal saami, halka saamiga labaadna uu si shakhsi ah u bixinayo Musk qudhiisa. Shirkaddu waxay saamigeeda wareejinaysaa bisha soo socota, halka qeybta uu bixinayo Musk la wareejin doono Juun 2027, marka uu idlaado muddada xayiraadda ee saaran saamiyadiisa.
Qoraal uu Musk ku faafiyey barta X ayuu ku xaqiijiyay in wadarta qiimaha saamiyadan la bixinayo lagu qiyaasay $18 bilyan. Dhanka kale, qiimaha saamiga SpaceX ayaa maalintii Arbacadii ku xirmay $127.44.
Barnaamijka Trump Accounts ayaa ah xisaabaad kayd oo canshuur-dhimis leh, looguna talagalay carruurta da’doodu ka yar tahay 18 sano. Dowladda Maraykanka ayaa ilmo kasta oo akoonkan loo furo ugu deeqda lacag dhan $1,000, iyadoo ujeedku yahay in jiilka cusub lagu barbaariyo kaydsiga lacagta iyo ka qaybqaadashada maalgashiga suuqa saamiyada.
Musk ayaa ku nuuxnuuxsaday in saamiyadani ay gaari doonaan carruurta leh akoonnadaas, iyadoo xog laga helay Aqalka Cad bishii Oktoobar ay muujisay in la furay ku dhowaad 70 milyan oo xisaabood.
AXADLETM