Fadlan Ha I Tuurin Ole!! Harry Maguire Oo Arrin Layaable Ka
Harry Maguire ayuu saaran yahay culays weyn, waxaanu khatar ugu jiraa inuu waayo booskiisa Manchester United kaddib waqti adag oo uu kusoo dhex jiray oo midkii ugu dambeeyey ahaa kaadhkii casaa ee sida fool xumada ah uu ku qaatay kulankii England guul-darradu kasoo gaadhay Arbacadii ee Denmark ku garaacday 1-0.
Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa la sheegayaa inuu ka fikirayo inuu kaydka u diro difaaca ugu qaalisan dunida amaba uu siiyo fasax si uu uga soo kabto xaaladda adag ee uu kusoo jiray saddexdii bilood ee ugu dambeeyey oo uga soo bilaabantay xadhigii loogu geystay waddanka Giriigga, Maxkamaddii lasoo taagay, xulka qaranka oo laga saaray, guul-darrooyinkii Man United ee xili ciyaareedkan oo isagu eeddeeda qayb lahaa iyo middan ugu dambaysay ee casaanka uu ku qaatay markii dib loogu soo celiyey xulka.
Maguire ayaa aad loogu canaantay bandhig ciyaareedkiisa intii uu xili ciyaareedku dib u bilaabmay, waxaana lala xidhiidhiyey mid nafsiyan ah oo uu maskax ahaan u daallan yahay, taas oo markii ugu horreysay kaga timid dhacdadii Mykonos ee bishii August oo ahayd halkii lagu xidhay.
Halyeygii Manchester United ee Riyo Ferdinand ayaa ka mid ahaa dadka dhaliilay Maguire, waxaanu tibaaxay inuu u baahan yahay in xoogaa nasiimo ah la siiyo si uu maskax ahaan usoo nasto, laakiin laacibkan £80 milyan ee Gini ay kusoo iibsatay United ayaa la sheegay inuu tababare Ole Gunnar Solskjaer la hadlay, kana codsaday inaanu fadhiisin oo aanu u baahnayn nasiimo.
Sida uu qoray wargeyska Daily Mail, Harry Maguire waxa uu ka baryey Ole in aanu u maqlin dadka canaanaya ee usoo jeedinaya in kaydka la dhigo ama fasax la siiyo.