FADEEXAD: Kufsi Ka Dhacay Gudaha Garoonka Olympic Stadium Ee Magaalada

Fadeexad ayaa laga soo sheegayaa bilowga ciyaaraha olombikada adduunka ee ka bilaabmaya magaalada Tokyo ee waddanka Japan, waxaanay guddida IOC xaqiijiyeen in ay arrintani jirto oo fadeexad iyo sumcad xumo ay ku tahay ciyaaraha.

Sida ay Guddida Olombikada Adduunka ee IOC ay xaqiijiyeen in hal qof oo nin ah loo xidhay fal kufsi oo ka dhacay gudaha garoonka Olympic Stadium ee magaalada Tokoyo, taas oo hadal-hayn weyn abuurtay ka hor inta aanu tartanku si rasmi ah u furmin.

Habeenimadii Jimcaha ayaa la xidhay nin ay da’diisu tahay 30 jir oo u dhashay waddanka Uzbekistan oo ka mid ah shaqaalaha gudaha garoonka, kaas oo ku eedaysan inuu kufsaday gabadh ku jirtay garoonka dhexdiisa oo aan ka mid ahayn ciyaartoyda tartanka timid.

Falkan oo dhacay isla habeennimadaas ayay warbaahinta waddanka Japan sheegtay, in uu ninka la xidhay ka shaqaynayay makhaayad gudaha garoonka dhexdiisa ku taala, halkaasna uu Jimcihii kula kulmay gabadh 20 jir ah oo iyaduna ka shaqaysa garoonka Olympic Stadium.

Ninkan ayaa lagu eedeeyey in uu gabadha weerar ku qaaday xilli la shiday heesta furitaanka ciyaaraha oo aanay cidina maqlaynin dhawaqa gabadha, hase yeeshee waxa uu isku difaacay in ay iska raalli ahaayeen oo aanu jirin kufsi qasab ah.

Booliska Tokyo ayaa la sheegay inay baadhitaan ku wadaan kiiskan.

Guddida Olombikada Adduunka ee IOC oo war-saxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in arrintani sumcad dil iyo magac xumo ku tahay tartankan oo bilaabmaya Jimcaha July 23.

“Tani waxay hoos u dhigi kartaa kalsoonidii lagu qabay ciyaaraha olombikada Tokyo 2020” Ayay yidhaahdeen guddida IOC.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More