Difaaca Faransiiska Ee Aymeric Laporte Oo Lagu Darayo Xulka Qaranka

Difaaca Faransiiska ah ee Aymeric Laporte ayaa lagu soo darayaa xulka qaranka Spain ee ka qayb-gelaya ciyaaraha qaramada Yurub ee bisha June lagu qaban doono 11 magaalo oo Yurub ah.

- Advertisement -

Tababaraha xulka qaranka Spain ee Luis Enrique ayaa ka codsaday xidhiidhka kubadda cagta Spain ee RFEF, in ay fiiriyaan suurtogalnimada ciyaartoyda xulka loogu soo dari karayo Aymeric Laporte oo hore ugu soo ciyaaray Faransiiska.

Enrique ayaa dalabkan u gudbiyey xidhiidhka Spain toddobaadyo ka hor, waxaana uu ku rajo weyn yahay in inta aanu ku dhawaaqin liiska ciyaartoydiisa toddobaad kaddib uu heli doono jawaab.

Ciyaartoyga naf ahaantiisa ayaa la sheegay in uu diyaar u yahay in uu Spain u ciyaaro, kana tanaasulo Faransiiska oo uu heerarkiisa kala duwan ee da’yarta usoo ciyaaray.

Sida uu qoray wargeyska Marca, waxa hadda socda buuxinta shuruudaha siinta dhalasho rasmi ah oo Laporte looga dhamaystirayo Spain, waxaana horeba uu xidhiidhka Spain uga dalbaday FIFA in bathroom ogolaado in laacibkani u ciyaaro.

Aymeric Laporte ayaa ku dhashay Agen oo waddanka Faransiiska ah laakiin isagoo aad u da’yar ayuu ku biiray Athletic Bilbao, isagoo siddeed sannadood ku noolaa magaalada  Bilbao ka hor intii aanu Manchester Metropolis ugu wareegin 65 milyan oo Euro.

26 jirkan ayaa isku qanciyey in aanu boos ka helayn tababare Didier Deschamps oo hore u sheegay in aanu qorshihiisa ku jirin.

Dhinaca xidhiidhka kubadda cagta Spain ayaa xiisaynayay Laporte tan iyo sannadkii 2016 markaas oo Julen Lopetegui uu ahaa tababaraha Spain, laakiin ugu dambayntii waxa uu Laporte xidhan doonaa shaadhka cas xagaagan.

Laporte ayaa Arbacada berri heli doona dhalashada rasmiga ah ee Spain, taas oo warbaahinta loosoo bandhigi doono.

Wargeyska Marca ayaa sheegay in aanay jirin wax caqabad ah oo ka celin doonta Laporte in uu beddelo dhalashadiisa oo uu Spain u ciyaaro maadaama aanu wali xulka qaranka waaweyn ee Faransiiska u safanin.

Haddii ay taasi dhacdo, waxa Lapote uu kasoo garab muuqan doonaa Sergio Ramos, Eric Garcia, Pai Torres iyo Inigo Martinez tartanka qaramada Yurub ee Euro 2020.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More