Ciyaaryahanadda Man United Oo Ka Careysan Sida Xun Ee Ay Kooxda

Qaar ka mid ah ciyaartoyda Manchester United ayaa soo bandhigay sida ay uga xun yihiin qaabka xun ee ay kooxda u la dhaqmeyso goolhaye Sergio Romero sida ay u sheegeen ESPN ilo ku sugan Old Trafford.

Romero ayaa waayay booskiisa kursiga keydka ee Old Trafford ka dib markii uu soo laabtay goolhaye Dean Henderson laakiin waa uu awoodi waayay inuu baxo maalintii ugu danbeysay ee suuqa kala iibsiga madaama ay United dalbatay 10 milyan ginni.

33 jirkaan ayaa saaxiibo fiican ku dhex leh kooxda, wuxuuna dib ugu soo laabanayaa Manchester ka dib fasax uu ku joogay Argentina laakiin waxa uu wajahayaa inuusan kubad ciyaari doonin ilaa iyo bishaJanaayo halka David de Gea iyo Henderson ay wadaagi doonaan kulamada Premier League, Champions League iyo Carabao Cup.

Arintaan ayaa imaaneysa kaliya bilo ka dib markii tababare Ole Gunnar Solskjaer uu ka yaabiyay qolka labiska Man United markii uu Romero ka saaray semi-finalkii FA Cup ee kulankii Chelsea iyo kulankii semi-finalka Europa League ee Sevilla inkastoo uu goolhayaha reer Argentina ciyaari jiray inta badan kulamada tartamadaan.

Romero ayaa sidoo kale laga saaray liiska Manchester United ee koobka Champions League ka dib markii uu Solskjaer goolhaye seddexaad ka dhigtay 37 jirka Lee Grant.

Waxay tani keentay in qaar ka mid ah xiddigaha Manchester United ay qolka labiska ku soo bandhigaan sida ay uga xun yihiin xaalada uu ku jiro Romero iyagoo dareensan in si xun loola dhaqmay ka dib shan sannadood uu kooxda u adeegayay.

Everton ayaa dooneysay inay Romero la saxiixato maalintii ugu danbeysay suuqa kala iibsiga laakiin diyaar uma aheyn inay bixiso lacagtii ay dooneysay Man United taas bedelkeeda waxay amaah ku soo qaateen goolhayaha reer Sweden ee kooxda AS Roma Robin Olsen kaasoo la tartami doona goolhayaha koowaad Jordan Picford.

Romero ayaa 61 kulan u saftay Man United tan iyo markii uu kaga soo biiray kooxda Sampdoria sannadkii 2015, wuxuu shabaqa ilaashaday 39 kulan halka laga dhaliyay 27 gool.

Hal sanno ayaa uga harsan qandaraaskiisa kooxda Shayaadiinta Cas Cas inkastoo Man United ay sannad kale ku kordhin karto qandaraaskiisa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More