Borussia Dortmund Oo Ka Soo Jawaabtay Dalabkii 100ka Milyan

Manchester United ayaa dalab gaaraya 100 milyan euro oo u dhiganta 91.3 milyan ginni ka gudbisay xiddiga garabka ka ciyaara ee Borussia Dortmund Jadon Sancho sida ay sheegtay goor dhaweyd Sky Sports.

Sky Sports waxay sidoo kale sheegtay in Dortmund ay durbadiiba hore ka soo diiday dalabka ay soo gudbisay Manchester United.

Dalabka United wuxuu ahaa mid ay 80 milyan euro kaash ku bixinayaan halka 20ka milyan euro kale ay ku bixin lahaayeen sharuudo ku xiran qaab ciyaareedka xiddiga Ingariiska.

Dortmund ayaa diidan inay gabi ahaanba iibiso Jadon Sancho madaama suuqa kala iibsiga uu gabagabo ku dhow yahay.

Kooxda Jarmalka ayaa mar sii horeysay xagaagan waxay Jadon Sancho dul dhigtay lacag gaareysa 108 milyan ginni laakiin waxaa ku xirneyd sharuud ah in heshiiskaas la dhameystiro 10kii bishii Agoosto.

Man United ayaa waqtiga loo qabtay dhegaha la laabatay iyagoo aaminsanaa in dhamaadka suuqa kala iibsiga inay cadaadis ku saari karaan Dortmund inay hoos u dhigto qiimaheeda.

Laakiin kooxda horyaalka Bundesliga ka dhisan ayaa ku adkeysaneysa go’aankeeda iyagoo maantaba hore ka soo diiday dalabka ay soo gudbisay kooxda Red Devils.

Sancho ayaan la safrin ciyaartoyda kale ee Borussia Dortmund ee koobka German Super Cup la ciyaarayaya kooxda Bayern Munich.

Sababta uu xiddiga Ingariiska uga haray kooxdiisa ayaa ah inuu qabo caabuq neef mareenka kaga dhacay. Waxaa laga baaray cudurka Korona Fayras laakiin lagama helin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More