Akhriso: Xiddigihii Ku Guuleystay Ballon d’Or Qarniga 21aad &

Hadal-hayn badan ayaa ka taagan ciyaartoyga ugu habboon ee ay tahay in la guddoonsiiyo abaal-marinta xiddiga Adduunka sannadkan 2021, taas oo u dhaxaysa dhawr ciyaartoy oo sidii caadada ahayd ka ciyaara qaaradda Yurub.

Sannadkii hore ayaa lagala masuugay Robert Lewandowski oo ahaa ciyaartoygii ugu cadcaddaa, waxaanu wargeyska France Football oo go’aamiyey in aanu cidna siinin oo uu kansalo sabab la xidhiidha Fayraska Korona, laakiin mar kale ayuu weeraryahanka reer Poland yahay murashax inkasta oo aanu gaadhin guulihii xilli ciyaareedkii hore oo kale.

Ka hor intii aanay bilaabmin ciyaaraha Euro 2020 ee uu Talyaanigu ku guuleystay iyo Copa America oo Argentina ay qaadday, laacibka loogu hadal-haynta badan yahay ayaa ahaa khadka dhexe ee Faransiiska iyo Chelsea ee N’Golo Kante oo bandhig cajiib ahaa ka sameeyey tartanka Champions League ee ay kooxdiisu ku guuleysatay.

Laakiin labadan tartan ayaa beddelay sidii ay wax ahaayeen, waxaana safka hore ee ciyaartoyda ku loollamaysa Ballon d’Or soo galay Lionel Messi oo Argentina koobkiisii u horreeyey u qaaday iyo Jorginho oo isaguna Talyaaniga ku hoggaamiyey koobkoodii ugu horreeyey ee Euro ah tan iyo 1968kii.

Labadan ciyaartoy ayay warbaahintu aad u hadal hayaan, sidoo kalena Lewandowski iyo N’Golo Kante ayaa ku jira xiddigaha tartameyaasha.

Haddaba, sidee ayaa loogu kala guuleystay Ballon d’Or qanigan 21aad?

Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ayay adduunyadu u shidnayd 20kii sannadood ee ugu dambeeyey ama qarniga 21aad, waxaanay abaal-marinta Ballon d’Or qaybsadeen 11 sannadood, iyadoo Messi lix jeer ku guuleystay halka Ronaldo uu shan sannadood qaatay.

Halkan kaga bogo sidii loogu kala guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or qarnigan 21aad oo kasoo bilaabmaya sannadkii 2000:

2000 – Luis Figo

2001 – Michael Owen

2002 – Ronaldo

2003 – Pavel Nedved

2004 – Andriy Shevchenko

2005 – Ronaldinho

2006 – Fabio Cannavaro

2007 – Kaka

2008 – Cristiano Ronaldo

2009 – Lionel Messi

2010 – Lionel Messi

2011 – Lionel Messi

2012 – Lionel Messi

2013 – Cristiano Ronaldo

2014 – Cristiano Ronaldo

2015 – Lionel Messi

2016 – Cristiano Ronaldo

2017 – Cristiano Ronaldo

2018 – Luka Modric

2019 – Lionel Messi

2020 – Cidina kuma guuleysan (xanuunka koofid dartii ayaa loo kansalay)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More