Achraf Hakim Oo Ku Dhacay Korona Fayras Toddobaad Kaddib Markii Uu

Difaaca reer Morocco ee Achraf Hakimi ayay jug soo gaadhay u diyaar-garowgiisa la qabsiga kooxdiisa cusub ee PSG iyo isku-diyaarinta xilli ciyaareedka dambe, kaddib markii uu ku dhacay Fayraska Korona.

Baadhitaano maanta oo Sabti ahayd lagu sameeyey 22jirkan uu hayo Fayraska Korona, taas oo sida muuqata ku haleelay gudaha waddanka Faransiiska iyo kooxdiisa cusub dhexdeeda, sababtoo ah, waxa uu halkaas gaadhay July 6 oo uu u saxeexay heshiis shan sannadood ah oo ay kaga soo qaateen Inter Milan.

Wargeyska L’Equipe ayaa shaacay, in laacibkani uu geli doono karantiil 10 maalmood ah, taas oo wiiqi doonta isku-diyaarintiisii xilli ciyaareedka cusub, isla markaana uu ku waayi doono fursado uu ku ciyaari lahaa kulamo saaxiibtinimo.

Paris Saint-Germain ayaa maanta oo Sabti ahayd la ciyaartay FC Chambley kulan saaxiibtinimo ookusoo dhamaaday barbarro 2-2 ah, waxaana labada gool oo Paris Saint-Germain dhaliyey Mauro Icardi oo musaqbalkiisa shaki la gelinayo, lalana xidhiidhinayo Juventus iyo da’yarka Xavi Simons oo ay sannado ka hor kasoo qaateen Barcelona.

Xiddigaha PSG u saftay ciyaartan ayaa waxa ka mid ahaa Keylor Navas, Idrisaa Gueye iyo Mauro Icardi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More