Qoor-Qoor oo Wasiiradiisa kala hadlay Sugidda Amniga kahor

Hogaamiyaha DG Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa kulan looga hadlayay qorshaha sugidda amniga la qaatay Wasiiradiisa, maadaama labo magaalo oo kamid ah maamulkaas lagu qabanayo doorashada kuraasta Golayaasha shacabka & Aqalka BFS.

Qoor-Qoor ayaa u bandhigay Wasiiradiisa qorshaha sugidda amniga, martigelinta Ergo beeleedyada kuraasta Xildhibaannada dooraneysa, Musharixiinta iyo dhammaan waxyaabaha kale ee la xiriira Doorashada 20/21.

Wasiirada qabanaya howlaha ugu badan ee dhanka doorashada ayuu si gaar ah ula hadlay, isaga oo ka dalbaday in ay dajiyaan qorshe lagu xasilinayo goobaha doorashada loo asteeyay oo ay kamid tahay Magaalada Dhuusamareeb Xarunta Galmudug.

Madaxtooyada Galmudug oo faah-faahisay kulanka kadib waxa ay sheegtay in Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye iyo Wasiirada ay u ballameen kulan kale oo lagu soo bandhigayo waxyaabaha la doonayo in laga soo fakiro.

Galmudug ayaa tababar usoo gaba-gabeysay Ciidamo Daraawiish ah oo qorshuhu yahay in ay u adeegsato sugidda amniga Deegaannada Maamulkaas, halka Askarta Militariga DFS kaalintooda ka qaadanayaan ilaalinta Magaalooyinka.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More