Iska hor imaad lagu dilay Labo ruux oo saakay ka dhacay

Iska hor imaadkaan ayaa ka dhacay Isgoyska Dabka oo kala qaybiyo Degmooyinka Howlwadaag, Hodan & Waaberi, waxaana la dilay labo ruux oo la sheegay in ay hubeysaanyeen sida dad goobjoogayaal ah Axadle ay u sheegeen. Dilka ayaa dhacay 6:30AM, xaafadaha u dhaw Isgoyska waxaa laga maqlay rasaasta labada dhinac ay isku ridayeen, muddo kooban kadib waxaa goobta lagu arkay maydka labo ruux oo aan ku labisneen dharka Ciidanka Dowladda. Ciidamada ammaanka Dowladda oo goobta tagay…

Xildhibaannada Baarlamaanka 2-aad ee Hir-Shabeelle oo la

Magaalada Jowhar waxaa maanta lagu dhaariyay Xildhibaannada Baarlamaanka labaad ee DG Hir-Shabeelle, waxaana goobjoog ka ahaa xubnaha Guddiga soo xulay & mas’uuliyiin kala duwan. Goobta lagu dhaariyay waxaa ku sugnaa 90-Xildhibaan oo qayb-qayb kitaabka gacanta loogu saaray, saf dheer ayay u galeen miis la dul dhigay Kitaabka Qur’aanka Kariimka si loogu dhaariyo. Waqtiga dhaarin ayaa muddo dib u dhacday sabab la xiriirta buuq & muran hareeray, kadib markii Xildhibaannada…

Baarlamaanka 2-aad ee Hirshabeelle oo la dhaariyay. –

Baarlamaanka 2 aad ee Dowladda Goboleedka Hirshabeelle. Magaalada Jowhar waxaa maanta lagu dhaariyay xubnaha Baarlamaan-goboleedka 2aad ee DG Hirshabeelle, munaasabadda dhaarinta 90-ka xildhibaan ee Baarlamaanku ka kooban yahay waxa joogay guddiga soo xulay xubnaha Baarlamaanka. Munaasabadda dhaarinta Xildhibaanada ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Arrimaha gudaha Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle, Guddiga farsamada soo xulista Baarlamaanka iyo qaarka mid ah odoyaasha dhaqanka ee…

Maxaa looga hadlay fadhiga Golaha Wakiilada DG Puntland? –

Golaha Wakiilada DG Puntland ayaa maanta oo Sabti ah yeeshay fadhigooda 5-aad ee Kalfadhiga 47-aad, waxaana la horgeeyay Qodobka 2-aad Warbixinnada Guddiyada Golaha Wakiilada maamulkaas. Kulanka waxaa shir guddoomiyay Cabdirashiid Yuusuf Jibril Guddoomiyaha Golaha Wakiilada DG Puntland, labadiisa ku xigeen Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan & Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa garba fadhiyay. Ugu horeyn waxaa la xaadiriyay Xildhibaannada ku sugan hoyga Golaha Wakiilada oo gaaray…

Soomaali lagu dilay Johannesburg & Goobo ganacsi oo la

Koox burcad ah ayaa toogatay labo muwaadin oo Soomaali ah kana mid ah Ganacsatada Tuulada Cosmos ee Magaalada Johannesburg dalka Koofur Afrika sida ay Axadle u xaqiijiyeen ganacsato kale. Burcadda ayaa gudaha u gashay goobo ganacsi oo mid kamid ah ay ku dishay labada Marxuum ee Soomaalida ah oo magacyadooda lagu kala sheegay Cabdisalaam & Qays sida ay inoo xaqiijiyeen dad aqoon u lahaa labada Marxuum. Toogashada kadib, kooxda & kooxo kale oo u muuqday in ay u…

Hogaamiye Farmaajo oo ka hadlay Dhul-gariirka ku dhuftay

Hogaamiyaha DFS Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter waxa uu uga hadlay dhul-gariirka ku dhuftay dalka Turkiga oo sababay dhimasho, dhaawac & Burburka dhismo hoy u ahaa dad badan. Waxa uu ku baaqay in la gacansiiyo Shacabka & Dowladda Turkiga oo wajahaya xaalad adag oo ka dhalatay Dhul gariirka ku dhuftay Izmir, waxaana uu shaaciyay in shacabka & Dowladba ay dhibka la qaybsanayaan. Hogaamiyaha Soomaaliya ayaa u rajeeyay Dowladda Turkiga ku guuleysiga dadaalka lagu…

Xubnaha Guddiga Farsamo & xalinta Khilaafaadka Doorashada

Magaalada Muqdisho waxaa kusoo wajahan Xubnaha Guddiga farsamada & xalinta Khilaafaadka Doorashada 20/21 oo dhawaan magacaabeen DG si ay u yeeshaan fadhigoodii ugu horeeyay. Xukuumadda Federaalka ayaa diyaarisay goobo la dejinayo xubnaha Guddiga Farsamada & Xalinta Khilaafaadka si ay ugu qabsadaan shirarkooda oo ay isaga dhex dooranayaan Guddoonkooda, jadwaleenta shaqada sida ay howsha u fulinayaan & ku dhaqaaqista shaqada culus ee sugeysa. Wasiirka Warfaafinta XFS…

Ciidamada ammaanka DG Koofur Galbeed oo baaris ka sameeyay

Magaalada Baydhabo xarunta KMG ah ee DG Koofur Galbeed waxaa howlgal qorsheysan ka sameeyay Ciidamada ammaanka ee maamulkaas, si loo xasiliyo amniga degmada kahor inta aysan martigelin doorashada kuraasta BFS. Ciidamada ammaanka ayaa baaris ka sameeyay qaar kamid ah Xaafadaha Magaalada Baydhabo, Gaadiidka nuucyadiisa kala duwan & dadka la socda ayay baarayeen inta uu socday howlgalkooda. Laamaha ammaanka DG Koofur Galbeed ayaa ujeedka howlgalka ku sheegay mid lagu…

Wasiirka Warfaafinta XFS oo sheegay cidda ay u xayiran tahay

Cismaan Abuukar Dubbe Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sharaxay howlaha lagu wajahayo Doorashada 20/21 oo la mariyay labada Gole ee BFS, isla markaana uu u codeeyay Baarlamaanka. Wasiir Dubbe ayaa tilmaamay in Xukuumadda aan laga sugeyn howlaha doorashada, balse cidda laga doonayo qabashada shaqadaan ay tahay Guddiga farsamo & xalinta Khilaafaadka ee ka imaanaya DFS & DG. “Xukuumadda Federalka lagama sugayo in ay gacmaha la gasho…

Jadwalka Doorashada 20/21 & caqabadaha ku hor gudban! –

Bartamihii September 2020 waxaa heshiis laga gaaray doorashada dalka 20/21 kadib kulan dhexmaray Hogaamiyayaasha DFS & DG oo horay wada-xaajood saddex heer maray ku yeeshay Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug. Dhuusamareeb (3) kama aysan qaybgelin Hogaamiyayaasha DG Puntland & Jubbaland, waxa ay taasi keentay in ay diidaan natiijada heshiiska ay saxiixeen Hogaamiye Farmaajo, Hogaamiyayaasha DG Galmudug, Hir-Shabeelle, Koofur Galbeed & Guddoomiyaha Gobolka…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More