Maxaa looga hadlay fadhiga Golaha Wakiilada DG Puntland? –
Golaha Wakiilada DG Puntland ayaa maanta oo Sabti ah yeeshay fadhigooda 5-aad ee Kalfadhiga 47-aad, waxaana la horgeeyay Qodobka 2-aad Warbixinnada Guddiyada Golaha Wakiilada maamulkaas.
Kulanka waxaa shir guddoomiyay Cabdirashiid Yuusuf Jibril Guddoomiyaha Golaha Wakiilada DG Puntland, labadiisa ku xigeen Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan & Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa garba fadhiyay.
Ugu horeyn waxaa la xaadiriyay Xildhibaannada ku sugan hoyga Golaha Wakiilada oo gaaray 43-Mudane, sidaas ayaa lagu guda-galay kulanka, iyada oo loo yeeray Guddiyada Baarlamaanka Puntland si ay u bilaabayaan warbixinta laga sugayo.
Guddiga ayaa codsaday in dib loo dhigo ilaa berri oo Axad ah kuna beegan 1-da Nofeember 2020 si uu usoo dhameysto howlo qabyo u ah, ugu dambeyn waa loo ogolaaday waxaana lagu wargeliyay in aysan berri markale dib uga dhici Karin.
Intaas kadib, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada DG Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa u gudbay carada ka dhalatay aflagaada Muslimiinta uu u geystay Hogaamiyaha Faransiiska & garabsiinta sawir gacmeedyada laga sameeyay Nabi Muxamed NNKH.
Guddoomiye Yuusuf ayaa fadhiga kahor sheegay in aan la aqbali karo hadallada meel ka dhaca ah ee kasoo yeeray Emmanuel Macron Hogaamiyaha Faransiiska oo sababay kacdoon ka dhan ah tallaabada uu qaaday.
Axadle