Soomaali lagu dilay Johannesburg & Goobo ganacsi oo la

Koox burcad ah ayaa toogatay labo muwaadin oo Soomaali ah kana mid ah Ganacsatada Tuulada Cosmos ee Magaalada Johannesburg dalka Koofur Afrika sida ay Axadle u xaqiijiyeen ganacsato kale.

Burcadda ayaa gudaha u gashay goobo ganacsi oo mid kamid ah ay ku dishay labada Marxuum ee Soomaalida ah oo magacyadooda lagu kala sheegay Cabdisalaam & Qays sida ay inoo xaqiijiyeen dad aqoon u lahaa labada Marxuum.

Toogashada kadib, kooxda & kooxo kale oo u muuqday in ay u diyaarsanaayeen falkaan ayaa ku dhaqaaqay Boobka Goobta lagu toogtay labada ruux & Goobo kale oo udhaw oo dadkii ku sugnaa marqura ay kala carareen.

Burcadda ayaa baxsataykahor inta aysan goobta tagin Ciidamada Booliiska oo isku gedaamay Tuulada Cosmos Magaalada Johannesburg ee dilka iyo boobka loogu geystay ajaanibta.

Laamaha ammaanka Koofur Afrika ayaa su’aalo weydiiyay dadka goobta ka dhawaa, waxa ay baareen jirka labada marxuum iyaga oo sawiray, kana qoray xogta ay ku joogeen Koofur Afrika si ay baaris u sameeyaan.

Koofur Afrika waxaa bilihii ugu dambeeyay kusoo kordhay dilalka loo geysanayo ajaanibta oo Soomaalidu qayb ka tahay, sababtu waxaa lagu sheegay in xayiraadda Fayruska Covid-19 uu dhaqaale la’aan geliyay dalkaas.

Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More