Ciidamada ammaanka DG Koofur Galbeed oo baaris ka sameeyay

Magaalada Baydhabo xarunta KMG ah ee DG Koofur Galbeed waxaa howlgal qorsheysan ka sameeyay Ciidamada ammaanka ee maamulkaas, si loo xasiliyo amniga degmada kahor inta aysan martigelin doorashada kuraasta BFS.

Ciidamada ammaanka ayaa baaris ka sameeyay qaar kamid ah Xaafadaha Magaalada Baydhabo, Gaadiidka nuucyadiisa kala duwan & dadka la socda ayay baarayeen inta uu socday howlgalkooda.

Laamaha ammaanka DG Koofur Galbeed ayaa ujeedka howlgalka ku sheegay mid lagu xaqiijinayay ammiga Magaalada Baydhabo oo martigelinaya Wufuud kala duwan oo ay qayb ka tahay Ergada Beelaha dooraneysa Kuraasta Baarlamaanka Soomaaliya.

Ilo xog ogaal ah ayaa Axadle u sheegay in Hogaamiyaha DG Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen uu laamaha ammaanka faray fulinta howlgalka amni sugidda ah & roondada ciidanka xiliyada habeenkii.

Dhanka kale, Saldhig Ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin Garoonka Diyaaradaha Baydhabo ayaa la sheegayaa in lagu weeraray Hoobiyaal, halka ciidanka dhankooda jawaab ay ka bixiyeen weerarkaas.

Dhowr jug oo is xig-xigta ayay sheegeen dadka Magaalada Baydhabo in ay maqleen, balse waxaa adag in la helo khasaaraha ka dhashay, maadaama saldhigyada ciidanka & goobaha ay ku sugan yihiin aan si fudud xogta rasmiga ah loo helo.

Ilaa haatan ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas, inkasta oo waayihii dambe Al-Shabaab dusha u ridaneysay weerarada toos ah, qaraxyada & hoobiyaasha lagu tuuro xeryaha kala duwan ee ku yaalla deegaannada DG Koofur Galbeed.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More