Xildhibaannada Baarlamaanka 2-aad ee Hir-Shabeelle oo la
Magaalada Jowhar waxaa maanta lagu dhaariyay Xildhibaannada Baarlamaanka labaad ee DG Hir-Shabeelle, waxaana goobjoog ka ahaa xubnaha Guddiga soo xulay & mas’uuliyiin kala duwan.
Goobta lagu dhaariyay waxaa ku sugnaa 90-Xildhibaan oo qayb-qayb kitaabka gacanta loogu saaray, saf dheer ayay u galeen miis la dul dhigay Kitaabka Qur’aanka Kariimka si loogu dhaariyo.
Waqtiga dhaarin ayaa muddo dib u dhacday sabab la xiriirta buuq & muran hareeray, kadib markii Xildhibaannada qaar loo diiday in ay gudaha xarunta galaan, maadaama ciidamada ammaanka ay ka qaadeen warqadaha aqoonsiga uu guddiga farsamada siiyay.
Xubnaha Guddiga bixiyay aqoonsiga Xildhibaannada ayaa kusoo baxay oo ugu dambeyn fududeeyay in la dhaariyo Baarlamaanka labaad ee DG Hir-Shabeelle oo laga sugayo doorashada Guddoonkooda, Madaxwenaha & ku xigeenka.
Dhaarin kadib, Xildhibaannada Golaha Wakiilada DG Hir-Shabeelle ayaa iska dhex doortay Shir guddoon KMG ah, Maxamuud Siyaad Barqadle oo ah mudanaha ugu da’da weyn 90-ka Xildhibaan ayaa loo xushay guddoominta kulamadooda ugu horeeyo.
Marka la eego Xildhibaannada Baarlamaanka labaad ee DG Hir-Shabeelle intooda badan waa da’yar, inkasta oo muran & guux siyaasadeed uu ka yimid habka loosoo xulay laguna dhawaaqay Liiskooda.
Axadle