Baarlamaanka 2-aad ee Hir-Shabeelle oo maanta dhageysanaya

Guddiga Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Hir-Shabeelle ayaa shalay aqoonsi siiyay 6-Musharax oo u kala tartamaya qabashada Guddoomiyaha & ku xigeennada Baarlamaanka maamulkaas. Musharixiinta ayaa min labo ugu tartameysa Guddoomiyaha, ku xigeenka 1-aad & 2-aad, saacadihii lasoo dhaafay Jowhar ayay ka wadeen kulamo siyaasadeedyo & kala xod-xodashada Xildhibaannada si ay usoo kala jiitaan Baarlamaanka ay ku haminayaan in ay guddoomiyaan. 5-kamid ah waa rag, halka hal…

Waare:Waxaan iska casilay xilkii Hogaamiyaha Dowladda HirShabelle

Warqad xalay xili dambe uu soosaaray Maxamed Cabdi Waare Madaxweynihii labaad ee taariikhda DG Hir-Shabeelle soo maray waxa uu ku caddeeyay in uu iska casilay xilka Madaxweyna. Muddo xileedka Waare oo dhamaaday 17-kii Oktoobar 2020 ayaa kahor yimid howsha xulista Baarlamaanka labaad ee Hir-Shabeelle oo uu guda-galay guddi uu magacaabay balse markii uu jadwaleelay doorashada & xulista Xildhibaannada kahor yimid. Waare ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka caga-jiidayay dalabaad loo gudbiyay oo ahaa in uu ogolaado go’aanka…

Taliye Xijaar oo qiimeyn Amni ku sameeyay xarun loo

S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya & saraakiil la socotay ayaa kormeer qiimeyn amni ku sameeyay xarun ku taalla Garoowe oo loo diyaariyay doorashada Kuraasta BFS ee 20/21. Taliye Xijaar ayaa la kulmay saraakiisha lagu wareejiyay ammaanka Xaruntaan, waxa uu ka dhageystay Warbixin la xiriirta shaqada ay hayaan, tirada Askarta ku sugan & agabka ay ku howlgalaan. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar Taliyaha Booliiska Soomaaliya ayaa bogaadiyay…

DFS oo laga dalbaday wax ka qabashada Ayaxa ku habsaday

Gobollada Hiiraan & Shabeelaha Dhexe Degmooyin katirsan waxaa kasoo yeertay cabasho ka timid dadka beeraleyda ah & kuwa xoola dhaqatada ah, kadib markii Ayax uu ku degay Dhul baaxad weyn. Dad xoolo dhaqato ah oo la hadlay Axadle ayaa u sheegay in Ayaxa uu ku habsaday dhul Baaxad weyn oo naq fiican leh oo xoolahu u daaqo, balse aysan heysan qalabka looga hortago Ayaxaas. Meelaha Ayaxa laga cabanayo waxaa kamid ah Tuulooyin hoostaga Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan,…

Maamulka Gobolka Banaadir maka soo baxay mas’uuliyadda

Waddooyinka Magaalada Muqdisho waxa ay intooda badan noqdeen biyo degeen kadib markii ay fadhiisatay biyaha roobka xalay ka da’ay Caasimadda, waxaana maanta adag isu socodka waddooyinka waaweyn & kuwa xaafadaha. Wadayaasha gaadiidka ayaa ka wareeganaya waddooyinka Biyo Degeenka ah, maadaama Godad waaweyn ay ka qodon yihiin, suuragalna ay tahay in Gaadiidku ku rogmado ama cilad kusoo gaarto. Inta badan waddooyinka Muqdisho oo ay ku yar yihiin Gaadiidka waxaa lugeynaya…

DG Jubbaland oo dejisay qorshe lagu sugayo ammaanka

Aargada Magaalada Kismaayo Duleedka magaalada Kismaayo waxaa ka socda howlgal laamaha ammaanka maamulkaas ku sheegeen in lagu xoojinayo xasiloonida xarunta KMG ah ee DG Jubbaland oo lagu qabanayo doorashada qaar kamid ah kuraasta Baarlamaanka Soomaaliya. Saacadihii lasoo dhaafay Magaalada Kismaayo waxaa ka safray saraakiil ciidan oo haatan ku sugan deegaannada dhaca duleedka Magaalada si ay u xoojiyaan howlgalada ka socda ee lagu sugayo ammaanka. Saraakiisha ammaanka ayaa iska…

Musharixiinta Guddoonka Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo maanta

Magaalada Jowhar waxaa ka socda diyaargarowga isdiiwaangelinta musharixiinta ku hamineysa qabashada Guddoomiyaha & labadiisa ku xigeen ee Baarlamaanka DG Hir-Shabeelle, kadib markii la shaaciyay waqtiga doorashada ay dhaceyso. Araaji qabashada musharixiinta ayaa maanta si toos ah u bilaabaneysa, waxaana saacadihii lasoo dhaafay Xarunta Hir-Shabeelle ka dhacay kulamo kala duwan oo ay qabsadeen qaar kamid ah xubnaha xil-doonka ah. Guddiga doorashada ee uu magacaabay…

Maxaa looga hadlayaa Kulanka Golaha Shacabka ee maanta? –

Xildhibaannada Golaha Shacabka BFS ayaa loo diray Ajendaha kulankooda maanta oo Isniin ah kuna beegan 02/11/2020, waana laba qodob oo aqrin & dood ku geliyeen kalfadhigii 7-aad ee usoo idlaaday todobaadkii tagay. Mudanayaasha Golaha Shacabka waxaa maanta horyaalla: Aqrinta 3-aad & u codeynta Hindise Sharciyeedka Hay’adda Diiwaangalinta iyo bixinta Aqoonsiyadda oo dood badan ka keeneen xildhibaannada qaar, maadaama Hindisahaan uu muhiiml u yahay keydinta xogta muwadinta.…

“Shuruucda la meelmarinayo waxa ay marqaati ka tahay shaqada

Hogaamiyaha DG Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa dhiirageliyay shuruucda ka gudubta Golihiisa Wasiirada, Baarlamaanka uu ansixiyo, kadibna dib loogu soo celiyo si uu saxiixo. Qoor-Qoor ayaa howshaas ku tilmaamay mid muujineysa wada-shaqeynta hay’adaha kala duwan ee maamulka Galmudug & shaqada socota ee lagu saldhigayo shuruucda kala duwan ee loo baahan yahay in wax laga qabto. Hogaamiyaha DG Galmudug ayaa sheegay in shuruucda uu saxiixay ay muhiim u yihiin…

DFS oo sheegtay in ay dishay saraakiil katirsan Al-Shabaab.

War kasoo baxay DFS ayaa lagu sheegay in Ciidamada gaarka u tababaran ee DANAB oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobollada Shabeelaha Hoose & Jubada Dhexe ay dileen saraakiil katirsan Al-Shabaab. Warka Dowladda ayaa lagu sheegay in howlgalkaan ka dhacay labadaan Gobol ee kala hoostaga DG Koofur Galbeed & Jubbaland uu ahaa mid qorsheysan isla markaana ciidanka fuliyay feejignaan muujiyeen. Howlgalka Shabeelaha Hoose waxa uu si gaar ah uga dhacay deegaan 44 KM dhanka…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More