Skip to content
Thursday, September 17, 2026 4 Rabi al-Thani 1448 AH Fajr 04:40
Muqdisho 24°C
Breaking: China Seeks Share of East African Trade as Kenya, Somalia Deepen Ties
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia English

Baarlamaanka 2-aad ee Hirshabeelle oo la dhaariyay. –

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio

Baarlamaanka 2 aad ee Dowladda Goboleedka Hirshabeelle.

Magaalada Jowhar waxaa maanta lagu dhaariyay xubnaha Baarlamaan-goboleedka 2aad ee DG Hirshabeelle, munaasabadda dhaarinta 90-ka xildhibaan ee Baarlamaanku ka kooban yahay waxa joogay guddiga soo xulay xubnaha Baarlamaanka.

- Advertisement -

Munaasabadda dhaarinta Xildhibaanada ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Arrimaha gudaha Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle, Guddiga farsamada soo xulista Baarlamaanka iyo qaarka mid ah odoyaasha dhaqanka ee Soo xulay Baarlamaanka 2 aad ee Hirshabeelle.

Guddoomiyaha Maxkmadda Rafcaan Hirshabeelle ayaa dhaariyay Xildhibaanada Baarlamaanka oo ka kooban 99 Xildhibaan, halka markii horey ay u ahaayeen 90, hayeeshee dib looga soo daray xubnahaas oo horey aan loo shaacin.

Intaas kadib Xildhibaanada Baarlamaanka labaad dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa iska dhex doortay Guddoomiye KMG ah oo ka shaqeyn doona Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Maamulkaas.

Xildhibaanada Hirshabeelle ayaa Maxamuud Siyaad Barqadle u doortay inuu nqodo Guddoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka, kaasi oo ah Ninka ugu da’da weyn Xildhibaanada Maamulkaas, isagoona aqbalay xilkaas.

Gudoomiyaha ayaa intaas ka dib magacaabay xunbaha ka kooban 9 xubnood oo ka shaqaynaya doorashada gudoomiyaha iyo Gudoomiye ku xigeenadda Golaha wakiiladda Hirshabeelle.Baarlamaanka Hirsheelle waxaan ka soo muuqan Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre Maxamed oo loo arkayay dadka gadaal ka riixayay in Dowladda Faderaalka Soomaaliya gacanta loo galiyo doorashadda Hirshabeelle maadaama ay dhanka siyaasadda ay aad ukala fogaayeen madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee maamulkaas Maxamed Cabdi Waare.

Axadle

How do you rate this story?

0 votes