Skip to content
Sunday, September 13, 2026 30 Rabi al-Awwal 1448 AH Maghrib 17:58
Muqdisho 27°C
Breaking: About 1,400 Yemenis Flee to Djibouti Within 24 Hours
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia English

Hogaamiye Farmaajo oo ka hadlay Dhul-gariirka ku dhuftay

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 2-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~2 min audio

Hogaamiyaha DFS Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter waxa uu uga hadlay dhul-gariirka ku dhuftay dalka Turkiga oo sababay dhimasho, dhaawac & Burburka dhismo hoy u ahaa dad badan.

Waxa uu ku baaqay in la gacansiiyo Shacabka & Dowladda Turkiga oo wajahaya xaalad adag oo ka dhalatay Dhul gariirka ku dhuftay Izmir, waxaana uu shaaciyay in shacabka & Dowladba ay dhibka la qaybsanayaan.

- Advertisement -

Hogaamiyaha Soomaaliya ayaa u rajeeyay Dowladda Turkiga ku guuleysiga dadaalka lagu badbaadiyo dadka ku guryo beelay dhul gariirka & kuwa dhaawacyada soo gaaray ee la daweynayo.

My thoughts and prayers go out the families and survivors of #İzmir earthquake and H.E President @RTErdogan following today’s tragic event. We share the shocks of the tremor and the tears with the Republic of #Turkey and remain in solidarity with you as you salvage the situation.

— Mohamed Farmaajo (@M_Farmaajo) October 30, 2020

Dhul gariirka Xoogga badan ayaa ku dhuftay Xeebaha Turkiga & Giriigga gaar ahaan Aegean Sea iyo Jasiiradda Samos, waxaana ku dhintay inta la xaqiijiyay 26-ruux, halka ayaa dhaawacmeen boqolaal kale.

Dhismaha burburay ayaa la siman dhulka, waxaana socda baadi-goobka dad la raadinayo, iyada oo la faagayo dhagaxaanta hoostooda, maadaama ay suuragal tahay in dad ay ku hoos jiraan una baahan yihiin caawinaad.

Teleefishinka Al-Jazeera ayaa soo bandhigay muuqaalka dad laga soosaarayo dhismaha burburay hoostoodooa, waxaana socda gurmadka lagu baadi-goobayo dadka la waayay balse halkaas lagu tuhmayo.

Waaxda la socodka aafooyinka Dalka Turkiga ayaa sheegtay in uu socdo gurmad looga gungaarayo hubinta dhismaha burburay hoostooda ee lagu tuhmayo in ay dad ku jiraan si loo xaqiijiyo.

Axadle

How do you rate this story?

0 votes