Iska hor imaad lagu dilay Labo ruux oo saakay ka dhacay
Iska hor imaadkaan ayaa ka dhacay Isgoyska Dabka oo kala qaybiyo Degmooyinka Howlwadaag, Hodan & Waaberi, waxaana la dilay labo ruux oo la sheegay in ay hubeysaanyeen sida dad goobjoogayaal ah Axadle ay u sheegeen.
Dilka ayaa dhacay 6:30AM, xaafadaha u dhaw Isgoyska waxaa laga maqlay rasaasta labada dhinac ay isku ridayeen, muddo kooban kadib waxaa goobta lagu arkay maydka labo ruux oo aan ku labisneen dharka Ciidanka Dowladda.
Ciidamada ammaanka Dowladda oo goobta tagay ayaa xiray agagaarka halka iska hor imaadka sababay dhimashada uu ka dhacay, iyaga oo joojiyay isu socodka gaadiidka inta u dhaxeysa Isgoysyada Dabka & Bakaaraha.
Hay’adaha ammaanka ayaa sameeyay howlgal ay ku raadinayaan dadka ay ku tuhmayaan falkaan, dhowr ruux oo dhallinyaro ah ayay indhaha ka xireen, waxaana ay la aadaan mid kamid ah saldhigyadooda baarista.
Qaybta dambi baarista Booliiska Soomaaliya ee C.I.D. ayaa tagtay goobta lagu dilay labada ruux, waxaana ugu dambeyn ay sameeyeen xog baaris la xiriirta dadkaan lagu dilay Magaalada Muqdisho.
Axadle.