Skip to content
Sunday, September 13, 2026 30 Rabi al-Awwal 1448 AH Fajr 04:41
Muqdisho 26°C
Breaking: US Politicians Back AI Development Despite Industry Warnings
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia English

Xubnaha Guddiga Farsamo & xalinta Khilaafaadka Doorashada

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio

Magaalada Muqdisho waxaa kusoo wajahan Xubnaha Guddiga farsamada & xalinta Khilaafaadka Doorashada 20/21 oo dhawaan magacaabeen DG si ay u yeeshaan fadhigoodii ugu horeeyay.

Xukuumadda Federaalka ayaa diyaarisay goobo la dejinayo xubnaha Guddiga Farsamada & Xalinta Khilaafaadka si ay ugu qabsadaan shirarkooda oo ay isaga dhex dooranayaan Guddoonkooda, jadwaleenta shaqada sida ay howsha u fulinayaan & ku dhaqaaqista shaqada culus ee sugeysa.

- Advertisement -

Wasiirka Warfaafinta XFS Cismaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in xubnaha Guddiga ay diyaarsan yihiin, isla markaana shaqadooda bilaabayaan bilawga bisha November 2020 oo berri koow tahay.

Maamul Goboleedyada waxa ay soo gudbiyeen min labo Xubnood oo ah Guddiga Farsamada & guddiga Xalinta Khilaafaadka oo ka kooban min labo xubnood si ay uwadaan howsha doorashada 20/21.

Waajibaadka ugu weyn ee laga sugayo waa diyaarinta Odoyaasha Dhaqanka, Ergada Beelaha ee dooraneysa Xildhibaannada Golaha Shacabka BFS, hubinta & howsha la xiriirta Doorashada 20/21.

Shaqada Guddiga ayaa dhamaaneysa marka ay soo gudbiyaan liiska Xildhibaannada Golaha Shacabka BFS, Maadaama shaqada uu la wareegayo Baarlamaanka oo iska dhexdooranaya Guddoon KMG ah, ilaa doorashada Guddoomiyaha & ku xigeenadiisa oo dhacaysa Bisha Janaayo 2021.

Axadle.

How do you rate this story?

0 votes