Xubnaha Guddiga Farsamo & xalinta Khilaafaadka Doorashada

Magaalada Muqdisho waxaa kusoo wajahan Xubnaha Guddiga farsamada & xalinta Khilaafaadka Doorashada 20/21 oo dhawaan magacaabeen DG si ay u yeeshaan fadhigoodii ugu horeeyay.

Xukuumadda Federaalka ayaa diyaarisay goobo la dejinayo xubnaha Guddiga Farsamada & Xalinta Khilaafaadka si ay ugu qabsadaan shirarkooda oo ay isaga dhex dooranayaan Guddoonkooda, jadwaleenta shaqada sida ay howsha u fulinayaan & ku dhaqaaqista shaqada culus ee sugeysa.

Wasiirka Warfaafinta XFS Cismaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in xubnaha Guddiga ay diyaarsan yihiin, isla markaana shaqadooda bilaabayaan bilawga bisha November 2020 oo berri koow tahay.

Maamul Goboleedyada waxa ay soo gudbiyeen min labo Xubnood oo ah Guddiga Farsamada & guddiga Xalinta Khilaafaadka oo ka kooban min labo xubnood si ay uwadaan howsha doorashada 20/21.

Waajibaadka ugu weyn ee laga sugayo waa diyaarinta Odoyaasha Dhaqanka, Ergada Beelaha ee dooraneysa Xildhibaannada Golaha Shacabka BFS, hubinta & howsha la xiriirta Doorashada 20/21.

Shaqada Guddiga ayaa dhamaaneysa marka ay soo gudbiyaan liiska Xildhibaannada Golaha Shacabka BFS, Maadaama shaqada uu la wareegayo Baarlamaanka oo iska dhexdooranaya Guddoon KMG ah, ilaa doorashada Guddoomiyaha & ku xigeenadiisa oo dhacaysa Bisha Janaayo 2021.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More