Puntland oo markale digniin culus u dirtay ganacsatada – Caa…

Garoowe (Axadle) – Wasiirka maaliyadda ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Xasan Shire Abgaal oo wariyeyaasha kula hadlay Garoowe ayaa markale digniin culus u diray ganacsatada ku dhaqan deegaanada maamulkaasi. Wasiirka ayaa shaaciyey inay waajib ku tahay ganacsatada inay bixiyaan lacagaha canshuuraha ee laga rabo, wuxuuna digniin u diray shaqsiyaadka ka dhega adeegaya. Xasan Shir Abgaal ayaa sidoo kale tilmaamay inay mas’uuliyad darro…

HirShabelle oo ka hortimid hadalkii Golaha Midowga Musharrax…

Beledweyne (Axadle) – Maamulka HirShabelle ayaa si cad uga horyimid qoraalkii kasoo baxay xubnaha Midowga Musharraxiinta mucaaradka ee lagu sheegay in aysan suuragal aheyn in doorasho lagu qabto magaalada Beledweyne ee maamulkaasi. Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka HirShabelle, Siraaji Sheekh Isaaq iyo guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Beledweyne ayaa ka hadlay warka kasoo yeeray musharraxiinta, iyaga oo…

Sawirro: DF oo shaacisay inay howl-gal ku dishay 15 ka tirsa…

Muqdisho (Axadle) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka warbixisay howl-gal qorsheysan oo ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta wadanka Soomaaliya. Howl-galka oo mid ballaaran ayaa waxaa ay ciidamadu ku bartilmaameedsadeen deegaano ay ku dhuumaaleysanayeen dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab. Saraakiil ka…

Jubbaland oo war cusub kasoo saartay doorashada Golaha Aqalk…

Kismaayo (Axadle) – Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa faah faahin dheeraad ah waxa ay ka bixisay qabsoomida doorashooyinka Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ee dhowaan ka dhacaya deegaanada maamulkaasi. Wasiirka maaliyadda Jubbaland, ahna xubnin ka tirsan guddiga uu baarlamaanka  u magacaabay qabsoomida doorashada Aqalka Sare xildhibaan Xuseen Xirsi Axmed oo wareysi siiyey Radio Mustaqbal ayaa shaaca ka qaaday inay si…

Xog: Al-Shabab oo Muqdisho ka billaabay olole doorasho

Muqdisho (Axadle) – Ilo-wareedyo amni oo lagu kalsoon yahay ayaa Axadle u sheegay in Al-Shabaab labadii todobaad ee ugu dambeeyay ay u yeereen odayaasha dhaqanka ee ku sugan Muqdisho, ganacsato, iyo qaar kamid ah macalimiinta Jaamacadaha gobalka Banaadir, waxayna kala hadleen arrimo quseeya doorashada Soomaaliya. Saraakiil amni oo ku sugan Muqdisho ayaa Axadle u sheegay in hoggaamiyaha Al-Shabaab ugu magacaaban Gobalka Banaadir, balse u dhaxeeya labada Shabeelle, uu dhinacyadan kala hadlay sidii loo taageeri lahaa in…

Ciidamadii diidanaa muddo korarsiga oo u badan hal beel oo laga joojiyey mushaarkii

Muqdisho (Axadle) – Axadle ayaa ogaatay in tobaneeyo kamid ah ciidamadii diidanaa muddo korarsiga ee ka dagaalamay aagga Barmuudo iyo KM4 ay dowladda Soomaaliya ka joojisay mushaarkii ay qaadan jireen. Ciidanka mushaaraadka laga joojiyay waxaa sidoo kale ku jira qaar ka tirsan ilaalada Janaraal Saadaq Joon, kuwa Janaraal Indhacade, ilaalada Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo ciidan kale, kuwaas oo hore uga tirsanaa Miliateriga iyo booliska Soomaaliya. Xogta ay heshay Axadle ayaa muujineysa in ciidankii diidanaa muddo…

Gobolka Banaadir oo saddex dhibaato oo weyn wajahaya

Muqdisho (Axadle) – Shacabka Gobalka Banaadir ayaa wajahaya saddex dhibaato oo waa weyn kuwaas oo gaaray heerkii ugu xumaa sanado kadib mana muuqato dhaq dhaqaaq socda oo dhinaca dowladda ah si wax looga qabto arrintaan.  Waxyaabaha ugu daran ee hadda ka jira Gobalka Banaadir ayaa kala ah 1- Nadaafadda – Dhammaan degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa wajahaya nadaafad darro xoog leh iyo biyo wasaqeysan oo gooyay waddooyinka qaar ee Muqdisho. Xaafadaha…

Xildhibaano la saftay Biixi oo wajahaya ‘cawaaqib adag

Hargeysa (Axadle) – Guddoomiyaha xibsiga Ucid, Faysal Cali Waraabe ayaa si adag uga hadlay Xildhibaano ka tirsan xisbigiisa oo heshiis la galay xisbul xaakimka Kulmiye, kaasi oo uu ku tilmaamay waxba kama jiraan, ayna wajahi doonaan cawaaqib adag. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in xildhibaanadaas oo qeyb ka noqday qorshe uu wato Muuse Biixi, islamarkaana isku dayey inay meesha ka saaran isbaheysigii ay xisbiyada mucaaridka sameysteen si ay…

Midowga Musharaxiinta oo soo saaray 5-qodob oo muujinaya in

Muqdisho (Axadle)-Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa kulan ay ku yeesheen Caasimadda Muqdisho oo ay ku qiimeeyeen xaaladda guud dalka, gaar ahaan habsami u socodka doorashooyinkii loo ballansanaa, ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay walaac uga muujiyeen shan qodob oo ay sheegeen in hadii aan wax laga bedelin aysan muuqan ififaalo ay dalka uga dhici karto doorasho xor iyo xalaal ah. “Goluhu wuxuu walaac xooggan ka muujinayaa in doorasho xor iyo…

TPLF oo jihooyin cusub ka furtay dagaalka, weerarna ku qaada…

Mekelle (Axadle) – Jabhadda ka dagaalanta dalka Itoobiya ee Tigreega ayaa hawlgallo ka dhan ah ciidamada dawladda taabacsan ka fulisay gobolka ay jaarka yihiin ee Canfarta, sida uu sheegay Afhayeenka TPLF. Afhayeenka aya sheegay inay fureen waji cusub oo ku saabsan dagaalka ay kula jiraan ciidamada dowladda federaalka Itoobiya, isla markaana ay ballaariyeen colaadda gobolkooda ka taagneyd mudadii 8-da bilood aheyd. Afhayeenka TPLF Getachew Reda oo…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More