Pep Guardiola Oo Magacaabay LABADII Kooxood Ee Ugu Adkaa Ee

Tababaraha Manchester City ee Pep Guardiola ayaa shaaciyey magacyada labadii kooxood ee ugu adkaa ee abid uu ka hor tegay intii uu ku jiray xirfadda tababarenimada kubadda cagta.Pep Guardiola oo kooxdiisu ay maanta la ciyaarayso Liverpool ayaa waxa uu diyaarinayaa xeeladdii iyo khidaddii u suurtogelin lahayd inuu saddexda dhibcood kaga helo Reds si uu usoo yareeyo farqiga dhibcaha u dhexeeya, iyadoo uu sidoo kale ogyahay in haddii ay libintu raacdo kooxda Jurgen Klopp in laga sii fogaan doono oo ay hadhowna ku adkaan doonto…

Mucjisadii Barcelona Ee Ansu Fati Oo Dhaawac Halis Ahi Soo

Laacibka da’da yar ee Barcelona ee Ansu Fati ayuu dhaawac culus kasoo gaadhay jilibka intii ay socotay ciyaartii ay Barcelona 5-2 ku garaacday Real Betis ee ka dhacday garoonka Camp Nou fiidkii xalay.Ansu Fati ayaa dhulka ku dhacay markii ay loollameen Aissa Mandi, waxaana lagu abaal-mariyey rikoodhe uu Antoine Griezmann saxeexay ka hor intii aan waqtiga nasashada loo bixin, waxaana laacibkan lagu soo beddelay Lionel Messi.Dr. Ripoll oo ka hadlay baadhitaankii hordhaca ahaa ee lagu sameeyey 18 jirkan ayaa waxa uu sheegay…

Manchester City vs Liverpool – Dagaalka Pep & Klopp,

Manchester City ayaa caawa fiidka garoonkeeda Etihad Stadium kusoo dhoweynaysa kooxda horyaalka Premier League difaacanaysa ee Liverpool oo labadii sannadood ee ka horreeyeyna ay si weyn ugu xafiiltameen koobka oo ay dirqi kaga qaadday.Man City ayaa fadhida kaalinta tobnaad ee kala-sarraynta horyaalka Premier League, waxaanay doonaysaa inay hesho guul ay sare ugu soo kacdo kaddib qaab aan fiicnayn oo ay horyaalka ku bilaabatay, taas oo u suurtogelinaysa inay soo yarayso farqiga dhibcaha ay Liverpool ka horreyso.Laakiin Reds…

Qiimaynta Ciyaaryahanadda Kulankii Ay Chelsea Xasuuqday

Chelsea ayaa gaadhay guushii afraad oo xidhiidh ah, waxaanay meel iska saareen Sheffield United oo gool kala hormartay, isla markaana ay afar ciyaartoy oo kala duwan u dhaliyeen goolal.Blues ayaa goolkii ugu horreeyey laga dhaliyey muddo shan kulan ah, waxaana kubbad dhulka socota goolhaye Mendy ka hoos saaray David McGoldrich, laakiin Tammy Abraham ayaa goolka barbarraha u keenay daqiiqaddii 23aad.Aaron Ramsdale ayuu goolkiisu noqday mid u fasaxan ciyaartoyda Chelsea intaas wixii ka dambeeyey, waxaana kubbad uu meel fog…

Bayern Munich Oo Meel Saartay Dortmund, Lewandowski &

Kooxda kubadda cagta Bayern Munich ayaa guul aad ugu dhibaatootay ka gaadhay naadiga ay sida weyn ugu xafiiltamaan horyaalka Bundesliga ee Borussia Dortmund, waxaanay ku garaacday 3-2.Ciyaartan oo ka dhacday garoonka Signal Iduna Park ee Borussia Dortmund ay iska leedahay ayaa ahayd musalsal ay goolasha iyo fursaduhuba hadh-beeleen.Kooxda horyaalka difaacanaysa ee Bayern Munich ayaa gool la hormartay daqiiqaddii 24aad ee ciyaarta, waxaana dhaliyey weeraryahanka reer Poland ee Robert Lewandowski oo kubbad ka helay Gnabry,…

Chelsea Oo Dhulka Jiid-jiiday Sheffield United, Hakim Ziyech

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa sii wada guulaheeda xidhiidhka ah, waxaanay dhulka la dhacday Sheffield United oo ay ku garaacday 4-1.Ciyaartan oo ka dhacday garoonka Chelsea ee Stamford Bridge ayaa Chelsea lagaga naxsaday gool uu waqti hore ka dhaliyey David McGoldrick oo goolhaye Edouard Mendy ka joojiyey rikoodh uu ka samayn lahaa horyaalka Premier League, laakiin waxa jawaab degdeg ah ka bixiyey Tammy Abraham oo goolkiisii afraad ka dhaliyey Sheffield United, ka hor intii aanu Ben Chilwell ku darin goolka labaad oo…

DAAWO Axmaqii Nasiibka Badnaa! Jordan Pickford Oo Ku

Jordan Pickford ayaa mar kale nasiibkiisu shaqeeyey, waxaanu ka badbaaday in lagu ciqaabo qalad uu ku galay difaaca Manchester United ee Harry Maguire oo uu taako ku qabtay, taas oo aanu garsooraha ciyaartu ku qaadin qaladka uu sameeyey. Goolhayahan oo laba toddobaad ka hor dhaawac weyn u geystay difaaca Liverpool ee Virgil van Dijk oo xili ciyaareedka oo dhan garoomada ka maqnaan doona ayaa waxa uu dhulka ugu tuuray kabtanka Manchester United ee Maguire oo ay xulka qaranka England u wada ciyaaraan. Laag xor ah oo ay…

Shaxda Adag Ee Arsenal Kula Ciyaari Doonto Aston Villa Oo

Mikel Arteta ayaa isbeddello badan ku samayn doona safka kooxdiisa kulanka Axadda berri ay iskaga hor iman doonaan Aston Villa, waxaanu kaydka u diri doonaa dersin ka mid ah xiddigihii uu kusoo bilaabay kulankii Europa League ee Molde ee Khamiistii.Joe Willock, Eddie Nketiah iyo Nocolas Pepe ayaa dhamaantood kusoo bilowday ciyaartii ay guusha ka gaadheen Molde, waxaana tababare Arteta uu amaan u jeediyey kulanka kaddib laacibka da’da yar ee Willock oo uu ku sifeeyey mid leh ‘Tayo khaas ah’.Mikel Arteta ayaa ciyaartaas…

Bruno Fernandes Oo Magacaabay Halyeygii Aan Loo Heesin Ee

Bruno Fernandes ayaa amaan u jeediyey laacib ay indhuhu ka jeedeen oo sabab u ahaa guushii weynayd ee ay ka gaadheen Everton oo ay ku garaaceen 3-1.Manchester United ayaa tagtay garoonka Goodison Park, waxaana hal gool la hormartay Everton, hase yeeshee laacibka reer Portugal ee Bruno Fernandes ayaa laba gool oo degdeg ah ugu beddelay ka hor intii aanu kubbad kale u dhiibin Edinson Cavani oo goolka saddexaad u dhaliyey.Fernandes oo ahaa xiddigii garoonka, waxa uu rumaysan yahay in guusha kooxdiisa uu sabab u ahaa laacib kale…

Zinedine Zidane Oo Shaaciyey Liiska Ciyaaryahanadda Real Madrid

Zinedine Zidane ayaa magacaabay xiddigaha Real Madrid ee safarka ugu tegaya kooxda Valencia, waxaanu soo doortay 20 ciyaartoy oo uu ku jiro laacibka khadka dhexe ee Martin Odegaard.Kubbad-sameeyaha reer Norway ayaan ciyaarin tan iyo ciyaarihii caalamiga ahaa ee bishii October oo ahayd waqtigii uu dhaawacu soo gaadhay isagoo qarankiisa metalaya, laakiin soo laabashadiisa ayaa war wanaagsan u ah Los Blancos oo ay dersin ciyaartooyo ahi ka maqan yihiin.Zidane ayaan u yeedhin lix ka mid ah ciyaartoyda muhiimka ah ee kooxdiisa.…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More