“Mourinho Ayay Baska Ka Tuureen, Haddana Solskjaer Ayay La

Kabtankii hore ee Manchester United ee Roy Keane ayaa waxa uu sheegay in dhawr ciyaartoy oo Red Devils ka tirsan ay ka shaqaynayaan sidii shaqada looga eryi lahaa tababare Ole Gunnar Solskjaer, kuwaas oo qaabka liidata ee ay u ciyaarayaan ka dhigan tahay in macallinkan seeftu qaaddo.Manchester United ayaa Axaddii waxay la kulantay guul-darradii ugu xumayd ee kasoo gaadha Premier League, waxaana 6-1 ku karbaashtay Tottenham iyadoo qaybta horena ku dhamaatay 4-1, taas oo ahayd bahdilaad halkii ugu dambaysay.Roy Keane oo…

Chelsea Oo Werwer Cusub Soo Food-saaray, Saxeexii Ugu

Frank Lampard ayay suurtogal tahay inuu kusii jiro xaaladdii gool-haye xumada ahayd, kaddib markii uu dhaawac soo gaadhay saxeexii cusbaa ee Blues samaysay xagaagan ee Edouard Mendy oo waxyeello kasoo gaadhay kulamadii caalamiga ahaa ee waddankiisa Senegal.Mendy oo xili ciyaareed cajiib ahaa kusoo qaatay Rennes oo uu ka caawiyey in markii ugu horreysay taariikhdeeda ay usoo baxdo tartanka Champions League ayaa waxa uu 22 milyan oo Gini ugu wareegay Chelsea xagaagii tegay, isagoo ahaa saxeexii dhamaystiray dhismaha kooxda ee…

Min 25ka Ciyaartoy Ee Man City, Man United, Liverpool,

Pep Guardiola ayaa noqday macallinkii ugu dambeeyey ee Premier League ee ku dhawaaqa liiska ciyaartoyda kooxdiisa ee ka qayb-geli doona tartanka Champions League ee xili ciyaareedkan, waxaana lagu qasbay inay keensato tiro ciyaartooyo ah oo ka yar inta naadiyada kale ay soo gudbisteen.Manchester City oo aan haysanin ciyaartooyo da’yar ah oo kasoo baxay kulliyaddeeda ayaa waxa 25kii ciyaartoy ee loo ogolaa ay kusoo koobneen 21, waxaana ka baxay afar ciyaartoy oo naadiyada kale ay ka yaraan doonaan.Saxeextada cusub ee Nathan…

Mesut Ozil Oo Hadalkii Ugu Horreeyey Kasoo Yeedhay Tan Iyo

Xiddiga reer Germany ee Mesut Ozil ayaa markii ugu horreysay hadlay tan iyo markii laga reebay liiska ciyaartoyda Arsenal ee ka qayb-geli doona tartanka Europa League ee uu tababare Mikel Arteta u gudbiyey UEFA.31 jirkan khadka dhexe ayaan lagu soo darin liiska 25 ciyaartoy oo Arsenal ah oo Mikel Arteta uu shaaciyey, kooxdana uga qayb-geli doona tartanka Europa League ee xili ciyaareedkan, waxaana maqnaanshaha ku wehelinaya difaaca reer Giriig ee Sokratis.Intii uu furnaa suuqii iibka ciyaartoyda ee xagaaga, ayaa waxa la…

“Riyadayda Weeyaan Inaan U Ciyaaro Real Madrid” – Paul Pogba

Xiddiga khadka  dhexe uga ciyaara Manchester United ee Paul Pogba oo qandaraaskiisa Old Trafford ka hadhsan yahay wax ka yar sannad ayaa waxa uu diiday inuu meesha ka saaro inuu mustaqbalka u ciyaari doono Real Madrid.Laacibka reer France ayaa waxa uu sheegay in u ciyaarista kooxda haysata horyaalka LaLiga ee Real Madrid ay tahay riyadiisa, laakiin waqtigan uu kaliya diiradda saarayo kooxdiisa hadda ee Manchester United.Isaga oo ka hadlayay shir jaraa’id ayaa la weydiiyey waxa uu ka sheegi karayo xiisaha Real Madrid uu u…

Muxuu Sir Alex Ferguson U Saadaaliyey Jurgen Klopp Maanta Oo

Markii uu Jurgen Klopp la wareegay shaqada Liverpool maanta oo kale shan sannadood ka hor oo ahayd October 2015, Sir Alex Ferguson ayaa sii saadaaliyey sida uu noqon doono waayaha tababaraha reer Germany ee Anfield iyo guulaha uu gaadhi karaba.Ferguson oo Manchester United u qaaday 13 horyaal oo Premier League ah, waxa uu sii saadaaliyey in Jurgen Klopp uu wax fiican ka samayn doono horyaalka Premier League oo uu koobka u qaadi doono Liverpool, isaga oo qirtay in taasi walaac ku hayso isaga maadaama uu Manchester United…

Frank Lampard Oo Shaaciyey Liiska Champions League Uga

Frank Lampard ayaa shaaciyey liiska ciyaartoyda Chelsea uga qayb-geli doona tartanka Champions League ee xili ciyaareedkan, waxaanu kusoo daray laacibiinta dibedyaalka ah ee Antonio Rudiger, Marco Alonso iyo Emerson Palmieri oo lala xidhiidhinayay bixitaan.Magacyada 21ka ciyaartoy ee Chelsea ku meteli doona Champions League oo loo bixiyey List A ayaan lagu soo darin ciyaartooyo waaweyn oo ay ka mid yihiin Mason Mount, Callum Hudson-Odoi , Billy Gilmour iyo Reece James oo la raaciyey liiska labaad ee B ee aan sida rasmiga ah…

Barcelona Oo Shaacisay In Mooshin Xilka Laga Qaadayo

Ugu badnaan 16,250 saxeex ayaa loo baahnaa si mooshin maamuus ka xayuubin ah loogu madaxweynaha kooxda kubadda cagta Barcelona, laakiin tirada la hayo ayaa xataa intaas ka badatay, waxaanay taasi ka dhigan tahay inlasoo gole joojin doono.Barcelona ayaa xaqiijisay in saxeexyo ku filan oo sax ah loo hayo in codka kalsoonida loo qaado madaxweyne Josep Maria Bartomeu, isla markaana Khamiistii maanta ay tirada xubnaha dalbatay in kalsoonida loo qaado ay gaadhay 20,687, taas oo ka sarraysa intii xisaab ahaan laga doonayay.Sida uu…

Olivier Giroud Oo Jabiyey Rikoodhkii Michel Platini &

Weeraryahanka Olivier Giroud ayaa jabiyey rikoodhkii gool-dhalinta xulka qaranka France ee Michel Platini, kaddib markii uu laba gool u saxeexay waddankiisa kulankii ay xalay 7-1 ku xasuuqeen Ukraine.Giroud ayaa noqday ciyaartoyga labaad ee ugu goolasha badan xulka qaranka France, waxaana kaliya ka horreeya Thierry Henry, iyadoo uu xalay soo dhaafay rikoodhkii Platini.Laacibka afka hore uga ciyaara Chelsea ayaa garoonka soo galay kulankii xalay isagoo haysta 40 gool oo uu dalkiisa u dhaliyey, isla markaana hal gool ka…

Kulliyadda Da’yarta Arsenal Oo Albaabada Loo Laabay Kaddib

Arsenal ayaa albaabada u laabtay xarunteedii kulliyadda da’yarta ee Hale End kaddib markii xubno ka mid ah shaqaalaha laga helay xanuunka Korona Fayras.Sida uu qoray wargeyska The4 Athletic, qof kasoo safray dibedda ayaa ku laabtay xarunta akaademiyadda Arsenal ka hor intii aanay soo bixin natiijada baadhitaankii lagu sameeyey, waxaana ay taasi keentay in shaqsiyaad kale uu xanuunku ku dhaco.Baadhitaano xalay fiidkii lagu sameeyey shaqsiyaadka looga shakiyey xanuunkan, ayaa waxay keentay in Arsenal ay xidho xarunteeda Hale…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More