WARBIXIN: Gabriel Batistuta, Baggio, Beckham, Figo, Tevez – 55kii

Saxeexyo badan oo khilaafyo ka dhex abuuray kooxaha ayaa lasoo diiwaangeliyey qarniga 21aad ee kasoo bilowday sannadkii 2000 iyo waqtiyadii ka horreeyey ba, balse waxa ka badnaa inta ciyaartoy ee waaweyn ee sida lama filaanka ah uga degay kooxo lama filaan ah.

Iyadoo suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagan uu furan yahay, lana filayo in xiddigo lama filaan ah ay ka tagaan kooxahooda oo ay waliba ku qasbaan in loo ogolaado inay u wareegaan koox kale oo ay xafiiltamaan, sida Harry Kane, waxa aanu dib u milicsan doonaa dhacdooyinkii caanka noqday ee aan wali ka go’in xusuusta taageereyaasha.

Sannadkii 2000, xiddigii reer Portugal ee Luis Figo ayaa ka tegay kooxdiisa Barcelona waxaanu u wareegay Real Madrid oo ay cadaawad weyni ka dhaxaysay. Laacibkan ayaan uga baahanin Barcelona ogolaansho, waxaanu indhahooda oo shan ah tegay Real Madrid kaddib markii ay kooxda ka dhisan caasimadda Spain bixisay lacagtii lagu burburin karayay qandaraaskiisa.

Cadaawad badan ayaa ka dhalatay saxeexa Figo ee Real Madrid, waxaanay gaadhay heer amaanka ciyaaryahankan si adag loo ilaaliyo marka ay kooxdiisu tagto Barcelona. Xataa isaga oo garoonka ku jira ayaa lagu soo weeraray madax Dhoofaar xilli uu koorne laadayay.

Sol Cambell ayaa sannadkii 2001 waxa uu ka tegay Tottenham, mana fogaanin e isla magaalada London ayuu sii joogay isagoo heshiis u saxeexay Arsenal oo uu xafiiltan ka dhexeeyo.

Roberto Baggio ayaa isaguna sannadkii 1990kii ka dhaqaaqay Fiorentina kana degay Juventus, halka Kevin Keegan ay intii waqtigaas noolayd xasuusan yihiin sidii aan fiicnayn ee uu uga tegay Hamburg ee uu ugu wareegay Southampton.

Waad qiyaasi kartaa colaadda ka dhaxaysa labada kooxood ee reer Argentina ee River Plate iyo Boca Juniors, waxaana maarkaaga kusoo dhici karta, sida ay noqon karto xaaladda ciyaartoyga ka taga River ee ka dega Boca ama taas beddelkeeda.

Gabriel Batistuta ayaa sannadkii 1990kii waxa uu ka tegay River Plate, waxaanu u wareegay Boca Juniors, waxaanu iibkaasi noqday mid lagu xuso saxeexyada layaabka leh ee ka dhacay adduunka.

Liiska ciyaartoyda ee aanu halkan idiinku soo gudbinayno, kama dhigna xiddigihii kala-wareeggooda uu khilaafku ka dhashay amaba kooxo is-neceb u kala wareegay, balse waxa kale oo ku jira ciyaartooyo iyagoo aan la filaynin ka tegay kooxdoodii oo koox kale aan xisaabtaba lagu darsanin ku biiray.

Halkan kaga bogo 55kii saxeex ee waaweynaa ee layaabka ahaa ee soo maray dunida:

55. Ronaldinho (AC Milan => Flamengo, 2011)

54. Andrea Pirlo (Inter => Milan, 2001)

53. Paul Pogba (Juventus => Man United, 2016)

52. Carlos Gamarra (Palmeiras => Olimpia, 2007)

51. Cafu (Zaragoza => Palmeiras, 1995)

50. Colin Kazim-Richards (Fenerbahce => Galatasaray, 2011)

49. Roy Keane (Nottingham Forest => Man United, 1993)

48. Paul Gascoigne (Newcastle => Tottenham, 1988)

47. Gareth Bale (Tottenham => Real Madrid, 2013)

46. Alan Shearer (Blackburn => Newcastle, 1996)

45. Andy Carroll (Newcastle => Liverpool, 2011)

44. Johan Cruyff (Ajax => Barcelona, 1973)

43. Jaap Stam (Man United => Lazio, 2001)

42. Juninho Paulista (Sao Paulo => Middlesbrough, 1995)

41. Andreas Moller (Borussia Dortmund => Schalke, 2000)

40. David Luiz (PSG => Chelsea, 2016)

39. Bebe (Vitoria => Man United, 2010)

38. Mario Gotze (Borussia Dortmund => Bayern Munich, 2013)

37. Gigi Buffon (Parma => Juventus, 2001)

36. Julien Faubert (West Ham => Real Madrid, 2009)

35. Ruud Gullit (Sampdoria => Chelsea, 1995)

34. Ashley Cole (Arsenal => Chelsea, 2006)

33. Steve Daley (Wolves => Man City, 1979)

32. Alan Smith (Leeds => Man United, 2004)

31. Esteban Cambiasso (Inter => Leicester, 2014)

30. Gabriel Batistuta (River Plate => Boca Juniors, 1990)

29. Jurgen Klinsmann (Monaco => Tottenham, 1994)

28. Enrique Borja (Pumas => America, 1969)

27. Diego Maradona (Barcelona => Napoli, 1984)

26. Alex Teixeira (Shakhtar Donetsk => Jiangsu Suning)

25. Gianluigi Lentini (Torino => Milan, 1992)

24. Carlos Tevez (Boca Juniors => Shanghai Shenhua, 2017)

23. Carlos Tevez (West Ham => Man City, 2009)

22. Pele (Unattached => New York Cosmos, 1975)

21. David Beckham (Real Madrid => LA Galaxy, 2007)

20. Clive Allen (Arsenal => Crystal Palace, 1980)

19. Fernando Torres (Liverpool => Chelsea, 2011)

18. Tommy Lawton (Chelsea => Notts County, 1947)

17. Robin van Persie (Arsenal => Man United, 2012)

16. Alfredo Di Stefano (Millonarios => Real Madrid, 1953)

15. Allan Simonsen (Barcelona => Charlton, 1982)

14. Trevor Francis (Birmingham => Nottingham Forest, 1979)

13. Robinho (Real Madrid => Man City, 2008)

12. Andy Cole (Newcastle => Man United, 1995)

11. Ricky Villa and Ossie Ardiles (Racing Club/Huracan => Tottenham, 1978)

10. John Obi Mikel (Lyn Oslo/Man United => Chelsea, 2006)

9. Carlos Tevez and Javier Mascherano (Corinthians => West Ham, 2006)

8. Eric Cantona (Leeds => Man United, 1992)

7. Luther Blissett (Watford => Milan, 1983)

6. Jean-Marc Bosman (RFC Liège => Unattached, 1990)

5. Kevin Keegan (Hamburg => Southampton, 1980)

4. Roberto Baggio (Fiorentina => Juventus, 1990)

3. Mo Johnston (Nantes => Rangers, 1989)

2. Sol Campbell (Tottenham => Arsenal, 2001)

1. Luis Figo (Barcelona => Real Madrid, 2000)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More