Niyadjabkii Euro 2020 Wuxuu Ku Ilaaway Jasiirada Ibiza Iyo Gabadh

Goolhaye Thibaut Courtois ayaa ku riyaaqaya fasaxiisa xagaaga ka dib niyadjabkii ciyaaraha Qaramada Yurub isagoo la dalxiisaya saaxiibtiisa cusub.

Goolhayaha reer Belgium ayaa dooni kuwa raaxada ah oo uu ka kireystay jasiirada Ibiza wuxuu kula riyaaqayaa gabadha moodalka ah ee Mishel Gerzig.

Courtois oo 29 sanno jir ah ayaa bilaabay inuu la haasaawo gabadhaan yahuudiyada ah ee 23 sanno jir ah dhawaan sida ay sheegeen warbaahinta Spain.

Lamaanahaan ayaana lagu sawiray iyagoo ku raaxeysana cadceeda jasiirada Ibiza ee dalka Spain, halkaasoo ay ka kireysteen doonida raaxada ah.

Courtois ayaa qeyb ka ahaa xulkii Belgium ee ka qeybgalay ciyaaraha Euro 2020 iyagoo ku soo haray wareega sideed dhamaadka ka dib guuldaradii ka soo gaartay Talyaaniga.

Goolhayihii hore ee Chelsea ayaa ku soo laaban doona tababarka kooxdiisa Los Blancos iyadoo xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka La Liga uu bilaabanayo bartamaha bisha Agoosto.

Wuxuu qarinayay dhowr isbuuc jaceylkiisa cusub madaama uu isku diyaarinayay ciyaaraha Qaramada Yurub.

Courtois ayaa u xaqiijiyay barnaamijka maalintlaha ee Belgium ka baxa ee Deviltime inuu leeyahay jaceyl cusub laakiin faahfaahin badan ma uusan bixinin.

Wuxuu yiri: “Waxay u dhalay israa’i;. Wax intaas ka badan ka dhihi karo”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More