U bood qoraalka
Monday, November 23, 2026 12 Jumada al-Thaniyah 1448 AH Asr 15:10
Muqdisho 29°C
Degdeg Wasiirkii Gaashaandhigga Axmed Maclin Fiqi oo xilkii laga qaadey, iyadoo lagu bedelay Saadaq Joon oo horey u ahaa Xildhibaan.
Warar Deg-deg ah
Wasiirkii Gaashaandhigga Axmed Maclin Fiqi oo xilkii laga qaadey, iyadoo lagu bedelay Saadaq Joon oo horey u ahaa Xildhibaan.Xildhibaannada Soomaaliya iyo AUSSOM oo ku heshiiyay in dib loo furo garoonka diyaaradaha Beledweyne kaddib iska hor imaadyo dhimasho dhaliyayKooxaha samatabbixintu waxay sii wadaan baadigoobka kaddib markii ay rogmatay doon siday dad u socday aas ka dhacay NigeriaKenya iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo oo u dhaqaaqaya soo celinta xiriirka diblomaasiyadeedAwood-qaybsiga beelaha oo horseeday isbeddelka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya xilli xiisadaha doorashadu taagan yihiinWasiirkii Gaashaandhigga Axmed Maclin Fiqi oo xilkii laga qaadeyUkraine oo sheegtay in duqeymaha Ruushka ee gobolka Kyiv ay dileen 15 qofWasiirkii Gaashaandhigga Axmed Maclin Fiqi oo xilkii laga qaadey, iyadoo lagu bedelay Saadaq Joon oo horey u ahaa Xildhibaan.Xildhibaannada Soomaaliya iyo AUSSOM oo ku heshiiyay in dib loo furo garoonka diyaaradaha Beledweyne kaddib iska hor imaadyo dhimasho dhaliyayKooxaha samatabbixintu waxay sii wadaan baadigoobka kaddib markii ay rogmatay doon siday dad u socday aas ka dhacay NigeriaKenya iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo oo u dhaqaaqaya soo celinta xiriirka diblomaasiyadeedAwood-qaybsiga beelaha oo horseeday isbeddelka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya xilli xiisadaha doorashadu taagan yihiinWasiirkii Gaashaandhigga Axmed Maclin Fiqi oo xilkii laga qaadeyUkraine oo sheegtay in duqeymaha Ruushka ee gobolka Kyiv ay dileen 15 qof
Axadle
Qolka Wararka Axadle Sports Af-Soomaali

Ronald Koeman Oo Soo Saaray Xiddigaha Kooxdiisa Ee Kulanka

La soco
1602891372_mESSI-1

Ronald Koeman ayaa ku dhawaaqay liiska kooxdiisa Barcelona adag ee Sabtida berri ay safarka ugu tegayaan Getafe, taas oo ay u baahan yihiin inay ku soo laabtaan jidka guusha kaddib barbarrihii ay ciyaartii ugu dambaysay la galeen Sevilla.

Tababaraha reer Netherlands ayaa shaaciyey magacyada 23ka ciyaartoy ee kulanka Getafe, waxaana ku jira difaaca bidix ee Junior Firpo oo helay ogolaanshaha dhakhaatiirta kaddib markii uu kasoo laabtay dhaawac, waxaana soo laabashadiisu ay meesha ka saartay da’yarka Konrad de la Fuente.

Barcelona ayay ciyaartan ka maqan yihiin oo aan lagu soo darin liiska xiddigaha muhiimka ah ee Jordi Alba, Ter Stegen iyo Samuel Umtiti oo dhamaantood dhaawac ah.

Miralem Pjanic oo jug kasoo gaadhay ciyaartii waddankiisa uu u saftay toddobaadkan ayaan ka qayb qaadanin tababarkii Khamiistii, sidaas oo kalena waxa seegay Trincao, laakiin labadooduba waxay kasoo muuqdeen carbiskii Jimcaha maanta oo ay si dhibaato la’aan ah ciyaartoyda kale ula qaateen tababarka.

Arnau Tenas iyo goolhayaha kooxda Barca B ee Inaki Pena ayaa lagu soo daray liiska kooxda Barcelona ee ciyaarta Getafe. Waxa kale oo uu Koeman u yeedhay Oscad Mingueza oo difaaca uga ciyaara kooxda da’yarta.

Barcelona ayaa marka kulankan ay Getafe kala dhamaadaan waxay isku diyaarin doontaa kulanka Champions League ee Ferencvaros ay usbuuca dambe la ciyaari doonaan iyo ciyaarta xigta oo ah El Clasico oo ay Real Madrid kusoo dhoweyn doonaan garoonka Camp Nou.

Akhriso liiska ciyaartoyda Barcelona ee kulanka Getafe:

Dest, Piqué, Araujo, Sergio Busquets, Aleñá, Griezmann, Pjanic, Braithwaite, Messi, Dembélé, Riqui Puig, Neto, Coutinho, Lenglet, Pedri, Trincao, Sergi Roberto, De Jong, Ansu Fati, Junior, Iñaki Peña, Arnau Tenas, Óscar Mingueza.

Sidee u aragtaa warbixintan?

0 votes