Skip to content
Wednesday, October 28, 2026 16 Jumada al-Ula 1448 AH Fajr 04:30
Muqdisho 25°C
Breaking: Ebola Spreads in DR Congo as Families Struggle to Feed Themselves
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia Af-Soomaali

Rooble oo war kasoo saaray maalinkii koowaad ee shirka doora…

Follow
Newsroom published Updated 5 years ago 1-minute read

Muqdisho (Axadle) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo maanta ahaa shir guddoonka kulankii ka furmay teendhada Afisyooni ayaa soo saaray qoraal uu rajo wanaagsan uga muujiyey natiijada shirarka lagu xalinayo khilaafka doorashooyinka ee dowladda federaalka u uku metelayo.

- Advertisement -

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa u mahad celiyey dhammaan madaxda dowlad goboleedyada oo maanta ka soo qeyb galay furitaankii shirkaas oo sii socon doona maalmaha na soo aadan.

“Waxaa maanta si wanaagsan noogu furmay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka. Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaan uga mahadcelinayaa ka soo qeyb galkooda.Waxaan rajeynayaa in uu Guul noogu dhammaado shirkan muhiimka u ah masiirka dalka,” ayuu Ra’iisul Wasaare ku yiri qoraal uu soo saaray.

Shirkan Golaha Wadatashiga Qaran ee xalka loogu raadinayo arrimaha doorashooyinka oo maanta la daah-furay wajigiisa koowaad ayaa la isugu soo laaban doonaa maalinta Axadda ah ee burrito,  iyadoo madaxdu ay sii amba qaadi doonaan wadaxaajoodka arrimaha la isku hayo.

Inta badan xubnaha mucaaradka ah ayaa si siman u soo dhaweeyey shirkan maanta ka furmay Caasimadda Muqdisho, iyagoo muujiyey inay qabaan rajo wanaagsan oo hor seedi karta doorasho xasiloon oo dalka ka dhacda.

Sidee u aragtaa warbixintan?

0 votes