Skip to content
Saturday, October 10, 2026 27 Rabi al-Thani 1448 AH Fajr 04:33
Muqdisho 26°C
Breaking: Guusha siyaasadeed ee Soomaalida qurbaha waxay cashar u tahay Soomaaliya
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia English

Guusha siyaasadeed ee Soomaalida qurbaha waxay cashar u tahay Soomaaliya

Follow
Newsroom published Updated 1 hour ago 3-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~3 min audio
Soomaalida qurbaha iyo guusha siyaasadeed – cashar u yaalla Soomaaliya?

Guusha taariikhiga ah ee Sagal Abdi-Wali ka gaartay doorashadii baarlamaanka Britain ee 8-dii Oktoobar 2026 ayaa farxad iyo sharaf weyn u ah Soomaalida dunida dacalladeeda ku nool. Sagal waxay ku guuleysatay kursiga Holborn and St Pancras, iyadoo heshay 12,292 cod oo ay kaga adkaatay musharraxiintii kale ee tartanka kula jiray.

Guushan kuma koobna guul ay iyadu shaqsi ahaan gaartay; waxay sidoo kale astaan u tahay awoodda iyo fursadaha Soomaalida qurbaha ku nool ay ku dhex yeelan karaan siyaasadda, hoggaanka iyo hay’adaha dowladeed ee dalalka ay deggan yihiin.

- Advertisement -

Soomaalida oo ka dhex muuqata siyaasadda caalamka

Marka la eego Soomaalida door muuqda ka qaadatay siyaasadda dalalka ay ku nool yihiin, waxaa tusaale u ah Ilhan Omar oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Maraykanka, Ahmed Hussein oo xubin ka ah baarlamaanka Canada isla markaana hore u soo noqday wasiir, iyo Mohamed Firin oo ka tirsan baarlamaanka gobolka Ontario. Sidoo kale, wararkii ka soo baxay doorashadii Sweden ee 2026 ayaa sheegay in shan siyaasi oo asal ahaan Soomaali ah ay ku biireen baarlamaanka dalkaas.

Guulaha noocaas ahi waxay caddeynayaan in Soomaalidu leedahay karti, aqoon, dadaal iyo awood ay ku kasbato kalsoonida bulshooyinka ay la nooshahay. Marka dal leeyahay nidaam ku dhisan sharci, caddaalad, isla xisaabtan iyo hay’ado si hufan u shaqeeya, muwaadinku wuxuu helayaa fursad uu kartidiisa ugu muujiyo tartan siyaasadeed oo nidaamsan.

Maxaa cashar inoogu jira?

Su’aasha mudan in la is weydiiyo ayaa ah: haddii Soomaalida ku nool dalalka shisheeye ay ka dhex muuqan karaan baarlamaanno iyo hay’ado dowladeed oo kala duwan, maxaa dalkeennii hooyo ka hor istaagaya inuu yeesho nidaam siyaasadeed oo caddaalad iyo karti lagu saleeyo?

Soomaaliya waxaa weli hortaagan khilaafaad siyaasadeed, is-qabqabsi daba dheeraaday, maamul-xumo, qaraabo-kiil iyo hay’ado aan mar walba u shaqeyn heerka laga filayo. Caqabaddu ma aha in Soomaalidu aysan lahayn awood ay dal ku maamusho; waxa loo baahan yahay waa nidaam dhiirrigeliya kartida, ilaaliya caddaaladda, qof kastana siinaya fursad siman.

Dal horumar ma gaari karo haddii xilalka lagu qaybiyo qaraabonimo iyo dano gaar ah, halkii lagu saleeyn lahaa aqoon, waayo-aragnimo iyo daacadnimo. Sidoo kale, dowladdu ma xoogeysan karto haddii madaxda siyaasadeed ay danahooda gaarka ah ka hormariyaan danta guud ee shacabka.

Soomaaliya waxay u baahan tahay hoggaan dadka mideeya, hay’adaha qaranka xoojiya, sharciga dhowra, isla markaana shacabka si dhab ah ugu adeega. Siyaasadda waa in laga fogeeyaa dhaqanka kursiga ka dhiga hanti gaar ah, laguna beddelaa faham ku saleysan masuuliyad iyo adeeg bulsho.

Hambalyo Sagal Abdi-Wali

Waxaan hambalyo kal iyo laab ah u dirayaa Sagal Abdi-Wali, oo guul taariikhi ah ka gaartay doorashada baarlamaanka Britain. Waxaan u rajeynayaa guul, karti iyo daacadnimo ay ugu adeegto bulshada dooratay, isla markaana ay tusaale wanaagsan ugu noqoto jiilka cusub ee Soomaalida.

Guusheedu waxay dhiirrigelin u tahay dhallinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan gabdhaha, si ay uga qayb qaataan hoggaanka, waxbarashada iyo horumarinta bulshooyinka ay ku nool yihiin.

Ugu dambayn, guulaha Soomaalida qurbaha waa inay nagu abuuraan su’aal iyo baraarug: haddii ay awoodaan inay mustaqbalkooda ka dhistaan dalal kale, maxaa inaga hor istaagaya inaan dalkeenna ka dhisno nidaam ku saleysan caddaalad, nabad iyo horumar?

Alloow dalkeenna Soomaaliya noo badbaadi, siyaasiyiinteenna ku hanuuni tubta toosan. Alloow nagu galladso hoggaan daacad ah, caddaalad iyo midnimo qaran. Aamiin.

______________________________

[email protected]

How do you rate this story?

0 votes