Browsing Tag

waqooyi

Maxkamada Gobolka Sool oo xabsi iyo ganaax ku xukuntay dhallinyaro taageero u muujiyay Gobaladda Waqooyi

 Isniin, April, 6, 2024 (AX) - Maxkamada Gobolka Sool ee Maamulka SSC-Khaatumo ayaa 4 dhallinyaro ah oo da'adoodu u dhaxayso 19 ilaa 30 sanno ku xukuntay midkiiba 3 sanno oo xadhig ah iyo 500 oo dollar oo ganaax ah.Guddoomiyaha Maxkamada oo adeegsanaya Xeerka Ciqaabta Soomaaliya, ayaa sheegay in dhallinyarada lagu helay in ay galeen danbi ah kicin dadwayne iyo qarandumisnimo, isla markaana ay qirteen danbiga ay galeen, sidaasna lagu xukumay.Waxa uu sheegay in xeer ilaalintu ay heshay muuqaalo iyo hadalo muujinaya…

Gobaladda Waqooyi oo sheegtay in Turkigu aanu xeebaheeda iman karin

 Isniin, April, 6, 2024 (AX) - Xukuumada Gobaladda Waqooyi ayaa sheegtay in Ciidamada Badda Turkigu anay ka hawlgali karin xeebaha Gobaladda Waqooyi.Kadib heshiiska ilaalinta badda ee ay wadagaadheen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga dad badan ayaa iswaydiinayay in Turkigu uu sidookale ka hawlgali doono xeebaha Gobaladda Waqooyi iyo in kale, hadaba Wasiirka Arrimaha Dibadda Gobaladda Waqooyi Ciise Kayd Maxamuud ayaa BBC Somali u sheegay in anay Gobaladda Waqooyi ku jirin dhulka uu Turkigu ka hawlgali doono."Turkiga waan u…

Ethiopia oo caddaysay in aysan ballan qaadayn inay aqoonsato Gobaladda Waqooyi

 Isniin, April, 6, 2024 (AX) - Dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu doonayo in lagu dejiyo xiisadda Geeska Afrika ayaa u muuqata mid miro dhal ah, sida ay sheegayaan ilo diblumaasiyadeed.Xukumadda Itoobiya ayaa u sheegtay dublamaasiyiinta reer galbeedka sida ay uga go’an tahay ixtiraamka midnimada dhuleed iyo midnimo siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyadoo la raacayo Axdiga Midowga Afrika iyo sharciga caalamiga ah.                Itoobiya waxay si cad ugu sheegtay dublamaasiyiinta in aanay marnaba…

Millateriga Gobaladda Waqooyi oo beeniyay rasmi ahaanshaha qoraal dowlado iyo xisbiyo kagu dhaliilay oo ay dhawaan baahiyeen

 Sabti, May, 4, 2024 (AX) - Millateriga Gobaladda Waqooyi ayaa beeniyay rasmi ahaanshaha war dhawaan lagu baahiyay bogga Facebook ee ciidanka, kaasi oo lagu cambaareeyay xisbiyada mucaaradka Gobaladda Waqooyi iyo Waddamada Reer Galbeedka.Afhayeenka Millateriga Cabdiraxmaan Cabdillaahi 'Cabdidheere', oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in qoraalka kasoo baxay ciidanku aanu ahayn mid rasmi ah oo madaxda ciidanku ay ka warqabeen."Waxaanu jawaab waafi ah ka bixinaynaa warqada ka hadlaysay waxyaabah faraha badan leh, ee…

Ururka iskaashiga Islaamka oo mar kale si adag uga horyimid heshiiska Itoobiya iyo Gobaladda Waqooyi

Sabti, April, 4, 2024 (AX) - Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), ayaa mar kale diiday tallaabo kasta oo ka dhan ah Qaranimada Soomaaliya, gaar ahaan heshiiskii is-faham ee dhexmaray Itoobiya iyo maamulka Gobaladda Waqooyi.Wasiirradu waxay isugu yimaadeen shir loogu diyaar-garoobayo kal-fadhiga shan iyo tobnaad ee Shir-madaxeedka Iskaashiga Islaamka oo ka dhacay caasimadda Gambia ee Banjul, intii u dhaxaysay May 2 - 3, iyadoo hal-ku-dhigga shirkaas uu ahaa "Xoojinta Midnimada iyo Wadajirka iyada…

Gobaladda Waqooyi oo sheegtay in ay la safan doonto Waddamada Bariga hadii ay taageero buuxda ka waydo Reer Galbeedka

Khamiis, April, 2, 2024 (AX) - Xukuumada Gobaladda Waqooyi ayaa sheegtay in taageerada ay waddamada Reer Galbeedku siyaan Soomaaliya ay khatar ku tahay daganaanshaheeda.Warbixin uu baahiyay Millateriga Gobaladda Waqooyi ayaa lagu sheegay in deeqaha dhaqaale iyo tababarka ciidamada ee Waddamada Galbeedka iyo Carabtu ay siiyaan Soomaaliya ay khatar ku yihiin amaanka Gobaladda Waqooyi, warbixintu waxay sheegtay in askar ay tababareen waddamada Maraykanka iyo Imaaraatku ay qayb ka ahaayeen dagaalkii Laascaanood, taasi oo…

Waddamada Carabta iyo Bartamaha Aasiya oo Soomaaliya ku taageeray diidmada heshiis Itoobiya iyo Gobaladda Waqooyi

Arbaco, May, 1, 2024 (AX) - Waddamada ku midoobay Madasha Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Carabta, dalalka Bartamaha Aasiya iyo Azerbaijan ayaa waxay caddeeyeen inay si buuxda u taageersan yihiin mawqifka ay dawladda Soomaaliya ka qaadatay heshiiskii ay wada saxeexdeen Xukumadda Itoobiya iyo Gobaladda Waqooyi.Gabagabada shir ay yeesheen waddamadan, ayaa lagu sheegay, in heshiiskaas uu yahay ku xad-gudub bareer ah oo lagu sameeyay mabaadi’da sharciga caalamiga ah, iyo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, xiriirka…

Xubin katirsan guddiga arrimaha dibadda ee Sanate-ka Maraykanka oo ku baaqay in lala macaamilo Gobaladda Waqooyi

Isniin, April, 29, 2024 (AX) - Senator Jim Risch, oo ah xubin sare oo ka tirsan Guddiga Xidhiidhka arrimaha Dibadda ee Senate-ka Mareykanka, ayaa ku booriyay maamulka madaxweyne Biden inay la macaamilaan Gobaladda Waqooyi.Jim Risch, wuxuu sheegay in siyaasadda Soomaaliya oo keliya aysan ka tarjumayn xaqiiqada."Waxaan ku booriyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka inay la shaqeyso Gobaladda Waqooyi oo aysan iska indha tirin horumarka dimoqraadiyadeed," ayuu yiri Senator Risch isagoo intaas ku daray in asxaabtiisa…

Koomiishanka Doorashooyinka Gobaladda Waqooyi oo ku baaqay in doorasho loo diyaar garoobo

Isniin, April, 29, 2024 (AX) - Koomiishanka Doorashooyinka Gobaladda Waqooyi ayaa dadwaynaha iyo daneeyayaasha ugu baaqay in ay u diyaargaroobaan doorashooyinka soo socda.Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Muuse Xasan Yuusuf, oo warbaahinta la hadlay kadib kulan ay xubnaha guddidu la yeesheen Guddida Joogtada ah ee Golaha Wakiilada Gobaladda Waqooyi, ayaa bulshada iyo warbaahinta ugu baaqay in la ilaaliyo anshaxa doorashooyinka."Doorashooyinkii ayaa loo dhaqaaqay, waxaanu rajaynaynaa dhamaan bulahada Gobaladda Waqooyi,…

Gobaladda Waqooyi oo u mahadcelisay sanatar ka tirsan Koongraska Maraykanka oo ku baaqay in Gobaladda Waqooyi lala macaamilo

Isniin, April, 29, 2024 (AX) - Gobaladda Waqooyi ayaa u mahacelisay Sanatar James E Risch oo ka tirsan Guddida Arrimaha Dibadda Koongaraska Maraykanka oo dowladiisa ugu baaqay in ay xidhiidh la samyso Gobaladda Waqooyi.Hogaamiye Ku Xigeenka Gobaladda Waqooyi Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici ayaa qoraal jawaab celin ah oo uu ku baahiyay bartiisa X ku sheegay in Gobaladda Waqooyi ay Risch uga mahadcelinayso taageeradiisa."Anigoo ku hadlaya magaca dawladda Gobaladda Waqooyi, waxaan jecelahay in aan kaaga mahadnaqo…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More