Ethiopia oo caddaysay in aysan ballan qaadayn inay aqoonsato Gobaladda Waqooyi

 
Isniin, April, 6, 2024 (AX) – Dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu doonayo in lagu dejiyo xiisadda Geeska Afrika ayaa u muuqata mid miro dhal ah, sida ay sheegayaan ilo diblumaasiyadeed.
Xukumadda Itoobiya ayaa u sheegtay dublamaasiyiinta reer galbeedka sida ay uga go’an tahay ixtiraamka midnimada dhuleed iyo midnimo siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyadoo la raacayo Axdiga Midowga Afrika iyo sharciga caalamiga ah.                
Itoobiya waxay si cad ugu sheegtay dublamaasiyiinta in aanay marnaba ballan-qaadin in ay aqoonsi diblomaasiyadeed siinayso maamulka Gobaladda Waqooyi.
Sidoo kale, Ethiopia waxay sheegtay in aysan qaadin tallaabooyin ay ku dhaqan gelinayso is-afgaradkii badda, kaasoo xadgudub ku ah midnimada dhuleed ee jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya.
Toddobaadkii hore, Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ee xilka ka degaya ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Taye Atske-Selassie.
Atske-Selassie ayaa mar kale caddeeyey mawqifka Itoobiya ee ku aaddan midnimada siyaasadeed iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya. Wuxuu tusaale u soo qaatay joogitaanka ciidamada Itoobiya ee Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Warkaan ayaa kusoo beegmay, xilli Gobaladda Waqooyi ay sheegtay in muddo labo bilood gudahood ah  lagusoo gabagabaynayo dhameystirka heshiiska dhinaca badda oo ay la galeen Ethoipia.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More