Gobaladda Waqooyi oo u mahadcelisay sanatar ka tirsan Koongraska Maraykanka oo ku baaqay in Gobaladda Waqooyi lala macaamilo

Isniin, April, 29, 2024 (AX) – Gobaladda Waqooyi ayaa u mahacelisay Sanatar James E Risch oo ka tirsan Guddida Arrimaha Dibadda Koongaraska Maraykanka oo dowladiisa ugu baaqay in ay xidhiidh la samyso Gobaladda Waqooyi.Hogaamiye Ku Xigeenka Gobaladda Waqooyi Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici ayaa qoraal jawaab celin ah oo uu ku baahiyay bartiisa X ku sheegay in Gobaladda Waqooyi ay Risch uga mahadcelinayso taageeradiisa.

“Anigoo ku hadlaya magaca dawladda Gobaladda Waqooyi, waxaan jecelahay in aan kaaga mahadnaqo taageeradaada, waxay iftiiminaysaa farqiga u dhexeeya Gobaladda Waqooyi oo ah isha dimuquraadiyadda Afrika iyo Soomaaliya oo ah qaran fashilmay” ayuu yidhi Saylici.

Sanatar Risch ayaa dowladiisa ugu baaqay in ay macaamil la yeelato Gobaladda Waqooyi, isaga oo sheegay in siyaasada Maraykanka ee “Soomaaliya hal ah” anay ahayn mid xaqiiq ku salaysan.

“Sannado badan waxaan ku boorinayay Wasaarada Arrimha Dibadda in ay la shaqayso Gobaladda Waqooyi, oo ayna isdiidsiin horumarkeeda dimuquraadiyadeed” ayuu Sanatar Risch ku yidhi qoraal uu ku baahiyay bartiisa X.

Maraykanka ayaa lagu wada in uu dhawaan meel mariyo xeer uu si gaar ugula shaqaynayo Gobaladda Waqooyi, kadib markii ay qaar kamid ah golayaasha Maraykanku meelmariyeen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More