Browsing Tag

waqooyi

Waqooyi Bari oo sheegtay in dowladda Federaalka ay deeqaha waxbarasho u diidday ardayda Waqooyi Bari

Isniin, September, 9, 2024 (AX) - Waqooyi Bari ayaa sheegtay dowladda Federaalka Soomaaliya in ay ardayda  reer Waqooyi Bari u diidday deeqaha waxbarasho ee caalamka looga helo magaca Soomaaliyeed. Agaasimaha tacliinta sare ee wasaaradda waxbarashada Waqooyi Bari, Cabdirisaaq Axmed Faarax oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe, ayaa sheegay deeqaha waxbarasho inay qeyb ka yihiin mashaariicda dowladda Federaalka ay ka hor istaagtay dadka reer Waqooyi Bari sida uu hadalka u dhigay masuulkan. Agaasimaha tacliinta…

Golaha Wakiilada Gobaladda Waqooyi oo markale diiday dacwada Xildhibaan Maxamed Abiib, iyo cambaaraynta xadhigiisa oo sii kordhaysa

Axad, September, 8, 2024 (AX) - Golaha Wakiilada Gobaladda Waqooyi ayaa markale cod aqlabiyad ah ku diiday eedaha loo haysto Xildhibaan Maxamed Abiib, sidookale, cambaaraynta ka dhan ka ah xadhigiisa ayaa sii kordhaysa. Golaha Wakiillada ayaa fadhi ay maanta yeesheen markii labaad diiday, dacwado ka dhan ah xildhibaanka, iyaga oo diiday waraaq xeer ilaalinta uga timid oo golaha lagaga codsanayay in uu ansxiyo sheegashada xeer ilaalinta ee ah in la qabtay isaga oo danbi faraha kula jira, 43 kamid ah 47 xildhibaan oo golaha…

Laamaha amniga Waqooyi Bari oo qabtay dhalinyaro geysatay falal amni darro ah oo laga abaabulay barta Tiktok

Sabti, September, 7, 2024 (AX) - Laamaha ammaanka Waqooyi Bari ayaa xaqiijiyay in ay gacanta ku dhigeen koox dhallinyaro ah oo la rumeysan yahay inay ka dambeeyaan beegsi ka dhan ah dhallinyarada kasoo jeeda deegaanka Soomaalida Itoobiya, gaar ahaan beesha Ogaadeeniya. Falalka beegsiga ah ayaa ka dhacay magaalada Garowe dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay, waxaana ay la xiriiraan dhacdo dhawaan ka dhacday magaalada Nayrobi, kaddib markii koox dhalinyaro ah oo reer Nayrobi ah ay wiil dhalinyaro oo kasoo jeeda Garowe ku…

Hogaamiye Biixi oo sheegay in uu hirgalayo heshiiska Gobaladda Waqooyi iyo Itoobiya

Jimco, September, 6, 2024 (AX) - Hogaamiyaha Gobaladda Waqooyi Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in cadaadis kasta oo jira uu hirgalayo heshiiska Gobaladda Waqooyi iyo Itoobiya. Hogaamiyaha oo boqollaal qof kula hadlayay magaalada Tog-wajaale, ayaa sheegay in heshiisku uu hirgalayo inkasta oo ay jiraan cadaadisyo. "MoU-gu wuu hirgalayaa, waa hubaal, wixii xag xaganayaana ha xag xagtaan, qolada Xamar maanta ee ciidanka Masaarida keentay waxan leeyahay laba hal isma qabtaan, Soomaali ayaanu midaynaynaa oo Xabashi ayaanu la…

Gudoomiyaha aqalka sare iyo siyaasiyiinta gobolada waqooyi

Guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda gobollada waqooyi ayaa ka horyimid hadal ka soo yeeray guddiga doorashada oo ku dhawaaqay jadwalka doorashada aqalka sare. Qoraal ay soo saareen ayay ku sheegeen inaysan qaban karin guddi doorasho waxayna ku tilmaameen guddi sharci darro ah oo ay soo xushay dowladda. Guddiga qaban qaabada doorashada ayaa shaaciyay in doorashada aqalka sare la soo gabagabeyn doono dhamaadka bishan oo ku beegan 6-da…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More