Gobaladda Waqooyi oo sheegtay in Turkigu aanu xeebaheeda iman karin

 
Isniin, April, 6, 2024 (AX) – Xukuumada Gobaladda Waqooyi ayaa sheegtay in Ciidamada Badda Turkigu anay ka hawlgali karin xeebaha Gobaladda Waqooyi.
Kadib heshiiska ilaalinta badda ee ay wadagaadheen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga dad badan ayaa iswaydiinayay in Turkigu uu sidookale ka hawlgali doono xeebaha Gobaladda Waqooyi iyo in kale, hadaba Wasiirka Arrimaha Dibadda Gobaladda Waqooyi Ciise Kayd Maxamuud ayaa BBC Somali u sheegay in anay Gobaladda Waqooyi ku jirin dhulka uu Turkigu ka hawlgali doono.
“Turkiga waan u sheegnay in aanay xeebaha Gobaladda Waqooyi soo gali karin, waana ogyahay in Gobaladda Waqooyi xeebaheeda u taliso – Soomaaliyana ayna u talin. Wax haba yaraatee aanu warwar ka qabnana ma jiro,” ayuu yidhi wasiirku ku sheegay waraysiga uu siiyay BBC Somali.
Wasiirku dhanka kale waxa uu sheegay in is fahanka badda ee Gobaladda Waqooyi iyo Itoobiya dhawaan loo badali doono heshiis rasmi ah, iyada oo Itoobiya laga kirayn doono 20 kilomitir oo biyaha Gobaladda Waqooyi ah, halka la sheegay in Itoobiya ay aqoonsan doonto Gobaladda Waqooyi.
Inkasta oo heshiiska aan wali la dhamaystirin oo guddiyo farsamo ay ku hawlanyihiin hadana Wasiir Kayd ayaa dhawaan sheegay in 30% kamid ah ganacsiga Itoobiya loo soo weecin doono dekeda Berbera marka heshiiska la dhamaystiro.
Isfahankan waxa si wayn uga soo horjeedsaday dowlada Soomaaliya oo ku tilmaantay talaabo sharci daro ah, sidoolale badiba urur goboleedyada dowladaha ku xeeran Badda Cas iyo Midowga Yurub ayaa diidmo ka muujiyay.
Marka laga yimaado diidmada caalamiga ah ee is afgaradka hadhaysay, hadana Gobaladda Waqooyi iyo Itoobiya ayaa marar badan sheegay in ay sida ugu dhakhsaha badan is afhankan ugu badali doonaan heshiis rasmi ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More