Gobaladda Waqooyi oo sheegtay in ay la safan doonto Waddamada Bariga hadii ay taageero buuxda ka waydo Reer Galbeedka

Khamiis, April, 2, 2024 (AX) – Xukuumada Gobaladda Waqooyi ayaa sheegtay in taageerada ay waddamada Reer Galbeedku siyaan Soomaaliya ay khatar ku tahay daganaanshaheeda.Warbixin uu baahiyay Millateriga Gobaladda Waqooyi ayaa lagu sheegay in deeqaha dhaqaale iyo tababarka ciidamada ee Waddamada Galbeedka iyo Carabtu ay siiyaan Soomaaliya ay khatar ku yihiin amaanka Gobaladda Waqooyi, warbixintu waxay sheegtay in askar ay tababareen waddamada Maraykanka iyo Imaaraatku ay qayb ka ahaayeen dagaalkii Laascaanood, taasi oo sababtay in ay magaaladu gasho xaalad hubanti la’aan ah.

Waxay warbixintu tilmaamtay in magaalada Laascaanood ay gacanta ugu jirto xoogag argagixiso qayb ka tahay oo is diiday, kadib markii ciidamadadii loo tababaray Soomaaliya, iyo taageeradii dhaqaale ee la siiyayba loo isticmaalay in Gobaladda Waqooyi lagu burburiyo.

“Aqoonyahano badan ayaa aaminsan in taageerada beesha caalamka ee Soomaaliya ay sababi karto dagaal balaadhan hadii Soomaaliya ay soo weerarto Gobaladda Waqooyi, dagaalka Laascaanood waa calaamad walaaceeda leh, iyadoo askartii ay tababareen Eriteriya iyo Maraykanka iyo argagixiso ay la dagaalamayan Gobaladda Waqooyi.

Ugu danbayn, Warbixintu waxay xustay in Gobaladda Waqooyi ay xulufo la noqon doonto waddamada Shiinaha, Iran iyo Ruushka hadii xisbiyada mucaaradku doorashada ku guulaystaan, taasina lagaga hortagi karo kali ah in Reer Galbeedku ay hantaan qalbiyada shacabka Gobaladda Waqooyi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More