Maxkamada Gobolka Sool oo xabsi iyo ganaax ku xukuntay dhallinyaro taageero u muujiyay Gobaladda Waqooyi

 
Isniin, April, 6, 2024 (AX) – Maxkamada Gobolka Sool ee Maamulka SSC-Khaatumo ayaa 4 dhallinyaro ah oo da’adoodu u dhaxayso 19 ilaa 30 sanno ku xukuntay midkiiba 3 sanno oo xadhig ah iyo 500 oo dollar oo ganaax ah.
Guddoomiyaha Maxkamada oo adeegsanaya Xeerka Ciqaabta Soomaaliya, ayaa sheegay in dhallinyarada lagu helay in ay galeen danbi ah kicin dadwayne iyo qarandumisnimo, isla markaana ay qirteen danbiga ay galeen, sidaasna lagu xukumay.
Waxa uu sheegay in xeer ilaalintu ay heshay muuqaalo iyo hadalo muujinaya dhallinyaradan oo taageero u muujinaya Gobaladda Waqooyi, isla markaana waxa uu sheegay in lagu xukumay qodobadii ay xeer ilaalintu kusoo eedaysay.
“Maxkamadu waxay ku xukuntay danbiilayaasha kala ah Xamdi Cawil Maxamed oo 30 jir ah, Nimco Jamaal Maxamed oo 20 jir, Khadra Cawil Cali oo 21 jir ah, iyo Cabdiwali Jaamac Xasan oo19 jir ah midkiiba 3 sanno oo xadhig ah iyo 500 oo ganaax ah” ayuu yidhi guddoomiyaha maxkamadu.
Magaalada Laascaanood ayaa gacanta Gobaladda Waqooyi ka baxday badhtamihii sannadkii hore kadib dagaalo dhexmaray dadka deegaanka oo kaashanaya ciidamo uga soo gurmaday deegaanada Puntland iyo Ciidamada Gobaladda Waqooyi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More