Hogaamiyaha Soomaaliya oo soo dhoweeyay kamid noqoshada Soomaaliya ee Golaha Ammaanka

 
Khamiis, Juun, 6, 2024 (AX) – Hogaamiyaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si diirran u soo dhaweeyey in Soomaaliya loo doorto xubinnimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, muddo labo sano ah.
Hogaamiye Xasan Sheikh Maxamuud ayaa qoraal uu kasoo saaray madaxtooyada Soomaaliya, waxa sheegay in guushan ay muujinayso horumarka iyo dowladnimada Soomaaliya.
Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay qorsheyaasha hagayay codka Soomaaliyeed ee fagaareyaasha caalamka, in ay ahaayeen ilaalinta nabadda iyo xoojinta iskaashiga.
“Guusha diblomaasi ee aanu maanta gaarnay waxa ay ka tarjumaysa sida caalamka uga markhaanti kacayo dadaalka iyo horumarka Soomaaliya, gaar ahaan dib u soo kabashada iyo dib u dhiska dalkayaga. Waa fursad aan uga faa’iideysan karno inaan ka qeyb qaadanno nabadgelyada iyo ammaanka caalamka,” ayuu yiri madaxweynuhu.
Xasan Sheekh ayaa u mahad celiyey dhammaan dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka, kuwa gobolka iyo Qaaradda ee taageeray codsiga Soomaaliya.
Waxa uu xusay in guushaan ay tahay fursad qiimo leh oo horseedaysa in Soomaaliya ay kaalin muuqata ka qaadato arrimaha amniga iyo nabadda caalamka.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More