Browsing Tag

oo

Xisbiga Waddani oo Hogaamiyaha Gobaladda Waqooyi ku tilmaamay danbiile ay tahay in lala xisaabtamo

 Isniin,  Juun, 10, 2024 (AX) - Xisbiga mucaaradka Gobaladda Waqooyi ee Waddani ayaa Hogaamiye Biixi ku tilmaamay danbiile ay tahay in lala xisaabtamo.Madal ay madaxda xisbigu kula kulmeen qaar kamid ah taageerayaasha ayuu Guddoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan, ka sheegay in uu Biixi yahay danbiile."Hebeenkan caawa ah cid danbiile ah oo in lala xisaabtamo u baahan Muuse ayaa kow ka ah, wixii dalka ka dhacay iyo duruufta uu ku suganyahay adiga ayay tahay in lagaala xisaabtamo" ayuu yidhi Xirsi.Waxa uu sheegay in madaxweynuhu uu…

Ethiopia: Ma hayno war rasmi ah oo ku saabsan bixitaanka ciidamadeenna ku sugan Soomaaliya

 Isniin,  Juun, 10, 2024 (AX) - Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya ayaa sheegtay in aysan jirin war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya, oo ku saabsan in Itoobiya lagu wargaliyay in ciidamadeeda nabad ilaalinta ah ay kala baxayso Soomaaliya.Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Nabiu Tedla ayaa War-saxaafadeed ku sheegay, in warka ku saabsan inay ciidamada Ethiopia ka baxayaan Soomaaliya, ee uu sheegay La-taliyaha Amniga Qaranka ee Soomaaliya, aysan waxba ka ogeyn arrintaas.Afhayeenka Wasaaradda…

Askarta dowladda oo goordhaw wareegay deegaanka Ruunirgood

Axad, Juun, 9, 2024 (AX) - Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa goordhaw si buuxda ula wareegay gacan ku heynta deegaanka Ruunirgood oo ku yaala xadka gobolada Galgaduud iyo Shabeellaha dhexe.Ciidamada ayaa kulaalayay dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay deegaanka Ruunirgood oo ah deegaan istaraatiiji ah oo ay gacanta ku hayeen kooxda Al-shabaab.Ciidamada ayaa lasoo warinaya in haatan gudaha deegaankaas ay ka wadaan howlgalo miino baaris ah, maadama Al-shabaab goobaha laga saaro uga tagaan miinooyin."Askarta Xogga…

Galmudug oo sheegtay in lala xisaabtami doono shakhsiyaadka colaadda ka hurinaya gobolka Galgaduud

 Axad, Juun, 9, 2024 (AX) - Dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegay inay la xisaabtami doonaan shakhsiyaadka colaadda ka hurinaya gobolka Galgaduud, isagoo maamulku uu sheegay inay heli doonaan magacyada shakhsiyaadkaas.Wasiirka amniga Galmudug, Maxamed Cabdi Aadan Gaboobe ayaa sheegay in aan loo dulqaadan karin colaadda dhexmaraysa beelaha ku dagaalamaya gobolka Galgaduud, wuxuuna sheegay inay jiraan dad hoggaaminaya colaaddaas.Wasiir Gaboobe waxa uu sheegay in lalaayay qaar kamid ah ciidamadii loo diray inay kala dhex…

Ciidamada Waqooyi Bari oo Garowe kusoo bandhigay hub sharci darro ah iyo maandooriye

 Axad, Juun, 9, 2024 (AX) - Saraakiisha ciidanka amniga Waqooyi Bari iyo masuuliyiinta gobolka Nugaal ayaa maanta magaalada Garowe kusoo bandhigay hub iyo maandooriye lagusoo qabtay howgallo malamihii ugu dambeeyay ka socday magaalada Garowe.Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdiraxmaan Xaaji Abshir ayaa warbaahinta u sheegay in ay magaalada Garowe ka nadiifiyeen hubkii sharci darrada ahaa ee shacabka gacanta ugu jiray.Guddoomiya ayaa sheegay in howgalka inta uu ku geeriyooday hal qof oo shacab ah iyo labo qof oo dhaawac…

Hogaamiyaha Gobaladda Waqooyi oo sheegay in Jabhadii Buurta Gacanlibaax la maxkamadayn doono

 Axad, Juun, 9, 2024 (AX) - Hogaamiyaha Gobaladda Waqooyi Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in maxkamad la horkeeni doono xubnihii Jabhadii Buurta Gacanlibaax ee weerarka ku dilay in ka nadan 10 booliis ah 11, August, 2023.Hogaamiyaha oo qudbad sannadeedii dastuuriga ahayd ka horjeediyay baarlamaanka, ayaa sheegay in jabkii ciidamada Gobaladda Waqooyi ay sabab u ahayd Jabhadii Buurta Gacanlibaax."Iyada oo lagu jiro dufaacii qaranka ee guud ayaa waxa dhacay shirqoolkii qaranka loo galay 11 August buurta Gacanlibaax ee lagu…

Hogaamiye Biixi oo sheegay in dhawaan la as-aasi doono Gobaladda Waqooyi Airlines

 Axad, Juun, 9, 2024 (AX) - Hogaamiyaha Gobaladda Waqooyi Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in Gobaladda Waqooyi ay hirgalinayso shirkada diyaaradaha ee Gobaladda Waqooyi Airlines.Hogaamiyaha oo qudbad sannadeedii dastuuriga ahayd ka horjeediyay baarlamaanka, ayaa sheegay ay diyaariyeen qalabkii iyo macalimiintii tababari lahayd shaqaalaha ka shaqayn doona shirkada diyaaradaha ee ay Gobaladda Waqooyi yeelan doonto."Gobaladda Waqooyi markii ugu horaysay waxay bilowday aasaaska Gobaladda Waqooyi Airlines, si loo bilaabo in…

Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo kala qaaday Maleeshiyo beeleedkii ku dagaalamay Galgaduud

 Axad, Juun, 9, 2024 (AX) - Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada dowladda fedaraalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Galmudug iney ku guuleysteen kala qaadista maleeshiyo beeleed Shalay ku dagaalamay deegaanka Laandheere oo u dhaxeeya magaalooyinka Caabudwaaq iyo Xeraale.Ciidamada ku guuleystay iney kala qaadaan maleeshiyaadka beelaha Mareexaan iyo Dir ayaa waxaa hoggaaminaayo taliyaha ciidanka Nabadsigida iyo Sirdoonka maamulka Galmudug Faysal Canood.Talaabadaan ciidamada ku kala dhex galeen…

Wararkii ugu dambeeyay dagaal beeleed ka dhacay Galgaduud oo sababay dhimashada in ka badan 50 ruux

Axad, Juun, 9, 2024 (AX) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay dagaal beeleed saacado badan qaatay oo Shalay ka dhacay deegaano u dhaxeeya magaalooyinka Caabudwaaq iyo Xareele ee gobolka Galgaduud.Khasaaraha la xaqiijiyay ee dagaal beeleedkaas uu geystay ayaa ah dhimashada in ka badan 50 ruux iyo dhaawac kor u dhaafaya 60 ruux, kuwaas oo isugu jira maleeshiyo beeleedka dirirtu u dhexmartay iyo ciidamo ka tirsan kuwa amaanka Galmudug oo ku howlana joojinta dagaalka.Dad qaba…

Xukumadda Fedaraalka oo shaacisay tirada Al-shabaab looga dilay weerarkii Ceeldheer

 Sabti, Juun, 8, 2024 (AX) - Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyay khasaaraha ka dhashay weerarkii aroornimadii hore ee saakay ka dhacay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.Weerarka oo ahaa mid qaraxyo ku bilaawday oo kooxdu ku qaaday fariisimo ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ku leeyihiin magaalada Ceeldheer ayaa dowladda Fedaraalka guulo la taaban karo ka sheegatay.Warsaxafadeedka kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa lagu sheegay in weerarka saakay khasaare xoog…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More