Hogaamiyaha maamulka Galmudug oo magacaabay Wasiiro cusub

Arbaco, Juun, 5, 2024 (AX) – Hogaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor ayaa magacaabay xubno ka mid noqonaya golaha Wasiiradda maamulka Galmudug.
Hogaamiye Qoor qoor ayaa magacaabay sadax Wasiir, hal wasiir ku xigeen iyo laba wasiiru dowle, kuwaas oo ka mid noqonaya xubnaha golaha wasiiradda dowlad goboleedka Galmudug.
Wasiiradda uu magacaabay Hogaamiye Qoor qoor ayaa kala ah Cabdiweli Cabdullaahi Jaamac Wasiirka Caafimaaadka iyo Daryeelka Bulshada, Cabdinuur Maxamuud Maxamed Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Cabdiwahaab Sheekh Abuukar Nuur Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.
Waxaa sidoo kale xubnaha la magacaabay ka mid ah Wasiiru dowlaha Maaliyadda maamulka Galmudug Cabdirisaaq Maxamed Jaamac iyo Wasiiru dowlaha Waxbarashada Cabdulqaadir Sheekh Xasan Ismaaciil.
Ugu dambeyntii madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa faray hay’adaha kala duwan ee Galmudug iney la shaqeeyaan Wasiirada cusub ee uu magacaabay, isagoona sidoo kale faray wasiirada uu magacaabay iney si wanagsan u gutaan waajibaadkooda shaqo.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More