Maamulayaasha Dugsiyada Baledweyne iyo Waalidiinta oo si kulul uga horyimid amar kasoo baxay Hirshabeelle

 
Khamiis, Juun, 6, 2024 (AX) – Maamulayaasha Dugsiyada Waxbarasho ee ku yaala magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan iyo Waalidiinta ardayda ayaa si weyn uga horyimid lacago ay kusoo rogtay ardayda dhigata Dugsiyada Baledweyne Wasaaradda Waxbarashada Hirshabeelle.
Wasaaradda Waxbarashada Hirshabeelle ayaa ardayda u fariisaneysa imtixaanka Shahaadiga dugsiga dhexe ee sanad Dugsiyeedka 2023/2024, kusoo rogtay ardaygiiba inuu bixiyo lacag dhan $25 oo aanan horay looga qaadi jirin ardayda.
Wasaaradda ayaa amar ku bixisay in ardaygii aanan bixin lacagta ay kusoo rogtay ardayda inuusan gali doonin Imtixaanka, waxaana talabaadaas sharci daro ku tilmaamay maamulayaasha Iskuuladda iyo waalidiinta caruurta.
Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah ugu qabteen Baledweyne maamulayaasha Iskuulada ayay ku sheegen in sharci daro ay tahay lacagaha ay ardayada ka dooneyso Hirshabeelle, islamarkaana lacagtaas aysan raali ka aheyn maamulayaasha Iskuulada.
“45 sano ayaan ku dhex jira howlaha Waxbarashada oo aan marna macalin soo ahaa marna maamule ahaa wali ma arag qaabka Hirshabeelle ay ku dooneyso iney lacag uga qaado aradyada, hadaba sidii ku suurtagale in arday inuu dhici doono inuu baasi doono iyo inuu dhiman doono aanan la kala ogeyn in la dhaho waxaa laga rabaa lacagtii Shahaadada waliba si qasab ah, waxaasi waa sharci daro wax sharci darana ma aqbaleyno” ayuu yiri Axmed Dhaqane oo ka mid maamulayaasha Dusgiyada kuyaala Baledweyne.
Ugu dambeyntii qaar ka mid ah waalidiinta ardayda oo warbaahinta kula hadlay Baledweyne ayaa dhankooda sheegay in talaabada Hirshabeelle ay tahay mid ay la yaabeen, iyagoona sheegay ineysan marnaba bixin doonin lacago sharci daro ah.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More