Soomaaliya oo 50 sano kadib ku guulaysatay inay kamid noqoto Golaha Ammaanka

 
Khamiis, Juun, 6, 2024 (AX) – Soomaaliya ayaa loo doortay in ay ka mid noqoto Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay muddo labo sano oo ka bilaabanaysa 2025-2026.
Waa markii ugu horraysay muddo 52 sano ah ka dib ay Soomaaliya ku guulaysato inay kursi aan joogto ahayn ka hesho Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Waxaa Soomaaliya lagu doortay codayn qarsoodi ah oo ka dhacday fadhiga Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, iyadoo heshay 179 cod.
Soomaaliya ayaa aheyd musharaxa kaliya ee ka socday waddamada Bariga Afrika, waxaana si buuxda u taageeray Midowga Afrika ka hor doorashada.
Wasiirka arrimaha dibadda Ambassador Axmed Macallin Fiqi oo ka hadlayay guusha ay Soomaaliya gaartay ayaa sheegay, in ay Soomaaliya ka miro dhalisay dadaalkeeda diblumaasiyadeed, iyo sida hagar la’aanta ah ee Soomaaliya ay uga go’an tahay nabadda caalamka.
Ambassador Axmed Macallin Fiqi waxa uu sheegay in Soomaaliya ay kaalin weyn ku yeelan doonta go’aanada waaweyn ee aduunka saameynta ku yeelanaya iyo jiheynta siyaasadda iyo amaanka caalamka.
Wasiirka ayaa u mahad celiyay dalalka u codeeyay Soomaaliya inay kursi ka hesho Golaha Ammaanka.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More