Gobaladda Waqooyi oo sheegtay in ay si dhakhso ah ugu duulayso Laascaanood

Isniin,  May, 13, 2024 (AX) – Millateriga Gobaladda Waqooyi ayaa ku goodiyay in uu markale la wareegi doono qaybaha uu lumiyay gobolka Sool, isla markaana uu dhaafi doono Laascaanood.
Taliyaha Millateriga Gobaladda Waqooyi Nuux Ismaaciil Taani, oo warbaahinta xukuumada la hadlay, ayaa sheegay in ciidankiisu uu wali awood badanyahay, isla markaana uu soo ceshan doono dhulkii uu ku lumiyay dagaalkii Laascaanood.
“Dadwaynaha reer Gobaladda Waqooyi waxan u sheegaya in aanu si dhakhso ah xadka u gaadhayno wakhtigeeda, ciidanku waa kii naftooda waxay u huryaan dalka, awoodoodii iyo xoogoodiina way leeyihiin” ayuu yidhi Taliye Taani.
Millateriga Gobaladda Waqooyi ayaa lumiyay gacan ku haynta baddiba gobolka Sool, iyo magaalo madaxda Laascaanood, kadib dagaal billo socday oo ay dadka deegaanka oo kaashanaya ciidamo si beelaysan uga yumid Puntland ay kaga soo horjeedeen Gobaladda Waqooyi, iyado ugu danbayn 25 August 2023 la jabiyay ciidamada Gobaladda Waqooyi.
Gobaladda Waqooyi ayaa aamisan in gobolka Sool uu kamid yahay dhulkeeda, iyada oo ciidamo fara badan tababaratay kadib jabkii ciidankeeda, halka ay dadka deegaanku dhisteen maamul ka madaxbannaan Gobaladda Waqooyi oo la magacbaxay SSC Khaatumo, kaasi ay dowlada Soomaaliya u aqoonsatay maamul ku meel gaadh ah.
Maamulka SSC Khaatumo ayaa doonaya in uu xukunkiisa ku balaadhiyo gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn, sidaana uu xubin buuxda kaga noqdo Xukumadda Federaalka Soomaaliya.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More