Farmaajo: Waxaa nasiib darro in wali hoggaanka dalku sii wado qorsheyaal gurracan oo ka turjumaya danihiisa

 
Axad, May, 19, 2024 (AX) – Madaxweynihii hore ee dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa ku tilmaamay qodobada kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran, in ay sii kordhinayaan xiisadda siyaasadeed ee dalka.
Farmaajo ayaa walaac ka muujiyay maqnaanshaha shirka ee Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari. Wuxuu sheegay Golaha Wadatashiga inay muujinayaan kalsooni darro ka taagan Golaha dhexdiisa, iyo in Madaxtooyadu ay qaadatay go’aan ka dhan ah Federaaleynta iyo dimuqraadiyeynta dalka.
“Waxaa nasiib darro in wali hoggaanka dalku ay sii wadaan qorsheyaal gurracan oo ka turjumaya danahooda gaarka ah, kuwaas oo uga sii daraya xiisadda siyaasadeed ee dalka, wiiqayana dowladnimada iyo sharciyadda Hay’adaha Federaalka,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.
Farmaajo ayaa si adag uga digay hannaanka doorasho ee ka soo baxay shirka Golaha Wadatashiga Qaran.
Wuxuu sheegay hannaankaas inuu yahay mid sii kala fogeynaya shacabka Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in hannaankii doorashada laga leexinayo habraacii saxda ahaa ee ay ku qabsoomi lahaayeen doorashooyin daah-furan.
HOOS KA AQRISO WARSAXAAFADEEDKA MAXAMED CABDULLAHI FARMAAJO:-
QODOBBADA KA SOO BAXAY SHIRKA GOLAHA WADATASHIGA QARAN (GWQ) WAXAY KHATAR KU YIHIIN DOWLAD-DHISKA IYO MIDNIMADA DALKA
Qodobbada
ka soo baxay shirka aan loo dhammayn ee Golaha Wadatashiga Qaran waxay
sii kordhinayaan xiisadda siyaasadeed ee dalka, waxa ayna dhaawac weyn
ku yihiin geeddi-socodka siyaasadda Soomaaliya, midnimada iyo wadajirka.
1. Maqnaanshaha Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari:
Waqooyi Bari
in ay wali ka maqan tahay Golaha Wadatashiga waxay muujinaysaa kalsooni
darrada wali ka taagan Golaha iyo in Madaxtooyadu ay qaadatay go’aan ka
dhan ah Federaaleynta iyo dimuqraadiyeynta dalka, iyada oo iska
indho-tiraysa tabashada Dowlad-goboleedyada, siyaasiyiinta iyo
daneeyeyaasha.
2. Laalidda Dastuurkii la isku waafaqsanaa:
Laalidda
dastuurkii la isku raacsanaa ayaa sababtay in ay lunto sharciyaddii iyo
wada shaqeyntii hay’adaha dowladda. Waxaa laga filayey shirku in uu dib
ugu laabto hannaankii dastuuriga ahaa ee la isku waafaqsanaa, waana
nasiib darro in wali hoggaanka dalku ay sii wadaan qorsheyaal gurracan
oo ka turjumaya danahooda gaarka ah, kuwaas oo uga sii daraya xiisadda
siyaasadeed ee dalka, wiiqayana dowladnimada iyo sharciyadda Hay’adaha
Federaalka.
3. Hor-istaagga Doorashooyinka Dowlad Goboleedyada:
 In
laga hor-istaago dowlad goboleedyada doorashada, iyada oo waqtigii loo
muddeeyey uu dhammaaday waa afduub siyaasadeed oo khatar gelinaya
hannaanka iyo xasiloonida dalka heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed.
Hogaamiyaha oo ahaa ilaaliyaha dastuurka KMG ah, in uu ku dhiiri galiyo
in dawlad goboleedyadu ku shaqeeyaan maandhayd iyo sharciyad la’aan,
waxay dalka ku hagaysaa mugdi iyo hubanti la’aan siyaasadeed.
4. Heshiisyada Hore ee aan Dastuuriga ahayn:
Waxaa
la yaab ah in heshiisyadii hore oo aan dastuuriga ahayn ee fashilmay
wali lagu baaqayo in la fuliyo, taas oo ka dhigan in xaqiiqada la iska
indho tirayo.
5. Hannaanka Doorashooyinka Qof iyo Cod:
Waxaan
si adag uga digaynaa hannaanka doorasho ee aan la isku waafaqsanayn ee
ka soo baxay shirka aan loo dhammayn ee Golaha Wadatashiga Qaran.
Nidaamka doorashada ee Madaxweynuhu uu ku hawlanyahay waxa uu
caddaynayaa danihiisa gurracan ee sii kala fogeynaya shacabka
Soomaaliyeed, waxaana muuqata in hannaankii doorashada laga leexinayo
habraacii saxda ahaa ee ay ku qabsoomi lahaayeen doorashooyin daah-furan
oo lagu wada kalsoonaan karo.

Dhammaan
siyaasiyiinta daneeya doorashada iyo shacabka Soomaaliyeed waxaan ku
adkaynaynaa in ay u midoobaan sidii dalka loogu soo celin lahaa
sharciyadii iyo wada shaqeyntii hay’adaha dowladda, loogana hortagi
lahaa caqabadda ku soo food leh dowladnimada iyo wadajirka Soomaaliyeed.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More