Skip to content
Thursday, October 22, 2026 10 Jumada al-Ula 1448 AH Isha 18:53
Muqdisho 27°C
Breaking: Survivors of Cameroon Train Crash Still Seek Justice 10 Years Later
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia Af-Soomaali

Video: Maxaa looga hadlay kulanka dhex-maray Muuse Biixi iyo wafdigii Zambia?

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 2-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~2 min audio

Hargeysa (Axadle) – Madaxweynaha Waqooyi Galbeed, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta waxa uu Madaxtooyada ku qaabilay wafdi sarre oo ka socda dalka Zambia, kaasi oo uu hogaaminayo Wasiirka caddaaladda dalkaas, Mr Gavin Lubinda.

Wafdigaan oo shalay gaaray magaalada Hargeysa ayaa waxay madaxweyne Muuse Biixi ka dhageysteen warbixin ku aadan madax-banaanida ay ku doodo Waqooyi Galbeed, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada Waqooyi Galbeed.

- Advertisement -

“Ugu horrayn madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu xubnaha weftiga warbixin ka siiyey   xaaladda guud ee dalka iyo halka uu maanta marayo oo ah mid ku timid iskaashiga shacbiga iyo dawladda ka dhexeeya, waxa kale oo uu u sheegay wasiirka taariikhda iyo jiritaanka dawladnimo ee Somaliland,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Somaliland waxay kala kulantay dhibaatooyin naf iyo maalba leh midawgii la doonayey in Soomaali odhan la mideeyaana uu fashilmay, sidaa awgeedna Somaliland waxay dib ula laabatay xornimadeedii iyo qarannimadeedii 1991-kii, taas oo macneheedu aanu ahayn gobol ka go’aya dalka intiisi kale, balse ay tahay laba dal oo la kala noqday xornimadoodii.”

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay qoddobo dhowr ah oo ku qotoma xiriirka cusub ee labada dhinac u dhexeeya iyo iskaashi labada dhinac ah oo salka ku haya ganacsiga iyo garsoorka.

Sidoo kale intii uu kulanka socday waxaa si toos ah khadka taleefanka ugu wada-hadlay Muuse Biixi iyo madaxweynaha Zambia, Edgar Chagwa Lungu, oo isla qaatay dar-dar gelinta xiriirka iyo wada-shaqeynta cusub ee labada dhinac.

Axadle, ayaa shalay hore u baahisay in Wafdiga Zambia uu Axadle Waqooyi Galbeed ee Hargeysa u tageen in labada dhinac ay wada saxiixdaan iskaashi cusub oo u dhaxeeya labada dhinac, gaar ahaan arrimaha garsoorka oo lagu dhaliilo Waqooyi Galbeed.

Ma aha markii u horeysay ee Madaxweynaha Waqooyi Galbeed uu qaabilo wafdi meeqaam sarre leh, islamarkaana uu la wadaago dadaalada qadiyada gooni-goosaadka ah ee ay ku doodo Waqooyi Galbeed, oo sanadihii u dambeeyay fadhiid noqotay.

Sidee u aragtaa warbixintan?

0 votes