Roobab duufaan wata ayaa ku dhuftay qoysas xoolo-dhaqato ah oo ku nool Soomaaliya/ Sawirka faylka
Qoysaska ku nool Ceel-Gaal, hal duufaan ayaa halgankii ay uga soo kabanayeen sannado abaareed u beddeshay dagaal ay ugu jiraan badbaadada maalinlaha ah. Dhacdada cimilo ee lama filaanka ahayd ee bishii hore ku dhufatay tuulada miyiga ah ee degmada Qandala, gobolka Bari ee Soomaaliya, ayaa boqollaal qoys ka dhigtay kuwo aan awoodin xitaa hal cunto maalintii.
- Advertisement -
7-dii Sebtembar, roobab mahiigaan ah, fatahaado degdeg ah iyo dabeylo xooggan ayaa dilay dad iyo xoolo, dumiyey boqollaal guri, isla markaana waxyeelleeyey ilihii nololeed ee qoysas horeba ugu noolaa saboolnimo.
Cabdimudallib Axmed Maxamed, oo 18 jir ah, ayaa hadda daryeelaya siddeed walaalihiis ka yaryar kadib markii hooyadood ay geeriyootay, xilli gurigii qoyska uu ku dumay duufaanta. Maadaama aanu jirin wax dakhli ah, qoysku wuxuu ku tiirsan yahay caawimada kooban ee derisku bixin karo.
“Qoyskayagu wuxuu ku tiirsanaa wixii ay hooyadeen guriga keento, mana cuni jirin haddii aysan wax noo keenin,” ayuu yiri. “Geerideedu waxay naga tagtay taageero la’aan. Saboolnimadu waa caqabadda ugu weyn ee naga hortaagan inaan soo kabanno. Hadda waxaan ku noolnahay waxa ay dadka nagu xeeran na siin karaan, balse wax badan ma bixin karaan.”
Qoysku wuxuu ku hoydaa dhisme ku-meel-gaar ah, sababtoo ah ma awoodaan inay dib u dhistaan gurigoodii laba qol ka koobnaa. Kahor masiibada, Cabdimudallib iyo hooyadii waxay maalintii ka heli jireen inta u dhaxaysa 7 ilaa 10 doolar ganacsi yar oo ay ku iibin jireen dhuxul iyo hilib cayriin. Aabbihii oo 85 jir ah ma awoodo inuu shaqeeyo.
“Ma lihin awood ama dhaqaale aan isku taageerno marka laga reebo waxa uu Ilaahay noo sahlo. Carruurtuna waxay la ildaran yihiin xanuunno caloosha ah, kuwaas oo saameeyey carruur badan iyo waayeelka magaalada. Halkan kama jiraan adeegyo caafimaad, mana awoodno inaan meel kale daaweyn u aadno,” ayuu u sheegay Radio Ergo.
Cabdimudallib wuxuu ka tagay dugsiga dhexe sannadkii 2023, markii qoyskiisu aanu sii dabooli karin kharashka waxbarashadiisa. Walaalihiis ka yaryar ayaa hadda wajahaya caqabad la mid ah kadib markii Dugsiga Hoose iyo Dhexe ee Cumar bin Cabdulcasiis ee Ceel-Gaal uu duufaantu burburisay.
Dugsigaas, oo ahaa kan keliya ee deegaanka, waxaa wax ka baran jiray 300 arday. Maamulka deegaanka ayaa sheegay in dib-u-dhisku aanu weli bilaaban. Xitaa haddii dhismaha la dayactiro, qoyska Cabdimudallib ma awoodi doonaan inay bixiyaan lacagta 100-ka doolar ah ee bishii ee afarta carruur ah ee halkaas wax ka dhigan jiray.
Xoolo-dhaqatada iyo qoysaska ku tiirsan ururinta xabagta ayaa sidoo kale si daran loo saameeyey. Maxamuud Maxamed Cabdikariim, oo ku nool baadiyaha u dhow Ceel-Gaal, ayaa sheegay in duufaantu dishay 20 ari ah, burburisay gurigiisa, isla markaana waxyeellaysay geedaha fooxa ee qoyskiisa u ah il dakhli oo muhiim ah.
“Masiibadani si aad ah ayay noo saameysay. Biyuhu wax kasta ayay qaadeen,” ayuu yiri. Burburka waxaa ku jiray geedo badan oo sannadkii kasoo xarayn jiray ku dhowaad 1,000 doolar oo iibka fooxa ah.
Maxamuud wuxuu lacag ka amaahday ganacsatada dukaamada si uu u iibsado bac uu roobka iskaga ilaaliyo, wuxuuna raadinayaa agab uu gogol ahaan u isticmaalo. “Wax kasta ayaa qaali ka ah tuuladan, qiimuhuna waxay ku dhow yihiin laba jibbaar kuwa Boosaaso. Waa tuulo fog, gaari ka yimaada Boosaaso wuxuu qaataa laba habeen si uu halkan u gaaro,” ayuu yiri.
Aabbaha toddobada carruur ah leh ayaa sidoo kale waayey guri uu lahaa oo uu bishii ku kireyn jiray 25 doolar. Markii dakhligiiasi meesha ka baxay, quudinta qoyskiisu waxay noqotay mid sii adkaanaysa:
“Ilaahay oo keliya ayaa naga saari kara xaaladdan. Waxaan ku tiirsanayn xoolaha iyo ganacsiga xabagta, balse xoolaheenna waxaa saameeyey duufaanta iyo abaarta. Waxaan u baahanahay gargaar kasta oo la heli karo, ha ahaado baadiyaha ama magaalada.”
Maxamuud wuxuu sheegay in roobku socday lix saacadood, isla markaana uu si aan digniin lahayn u yimid xilliga jiilaalka. Wuxuu sheegay in dadka deggan aan looga digin El Niño, oo saadaashu muujinayso inuu Soomaaliya u keeni doono roobab culus iyo dabeylo xooggan laga bilaabo Oktoobar ilaa dhammaadka sannadka.
Guddoomiye ku-xigeenka degmada Ceel-Gaal, Shiire Cabdullaahi Siciid, ayaa sheegay in saddex qof iyo qiyaastii 300 oo xoolo ah ay dhinteen, halka 150 guri ay dumeen. Qiimeyn uu sameeyey maamulka deegaanka ayaa lagu ogaaday in 350 qoys oo ku nool Ceel-Gaal iyo dhulka miyiga ah ee ku dhow ay waayeen xoolo, beero iyo ganacsiyo yaryar oo ay ku tiirsanaayeen.
“Deegaankan waxaa horey muddo dheer u saameeyey abaar, wuxuuna la ildarnaa roob la’aan,” ayuu yiri Shiire, isagoo xusay in xaaladaha qallaylka ee daba dheeraaday ay sidoo kale yareeyeen wax-soo-saarka xabagta deegaanka.
“Abaartu waxay saameysay geedihii fooxa iyo xabagta soo saari jiray ee dadku guran jireen, sidaas darteed wixii aan ku tiirsanayn ayaa yaraaday. Dadku hadda waxay wajahayaan dhibaatooyin isku mid ah, farqi yar ayaana u dhexeeya xaaladahooda,” ayuu yiri.
“Meelo qaar, dadku wali waxay biyaha ka dhaansadaan dhulka hoostiisa, sababtoo ah roobkii na helay ma gaarin. Kuwani waa dhibaatooyin aanan awood u lahayn inaan wax ka qabanno.”
Shiire ayaa sheegay in duufaantu ku dhufatay xilli ay xoolo-dhaqatadu wali ku jireen halgankii ay uga soo kabanayeen abaartii daba dheeraatay, taas oo daciifisay xoolahooda kana dhigtay kuwo si gaar ah ugu nugul.