Soomaaliya, Talyaaniga ayaa kala saxiixday heshiis
Siihayaha Wasiirka Maaliyada Soomaaliya C / raxmaan Ducaale Beyle iyo Safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Alberto Vecchi ayaa Isniintii heshiis muhiim ah ku kala saxiixday magaalada Muqdisho.
Heshiiska oo ah cafis amaah ah ayaa daba socda go’aankii wadamada Paris Club ee looga cafiyey 1.4 bilyan sanadkii la soo dhaafay ee 2020.
Heshiiska iyo qorshayaashiisa ayaa sidoo kale in muddo ahba lagu howlanaa sida uu sheegay wasiir C / raxmaan Ducaale Beyle.
Wasiirka ayaa sidoo kale uga mahadceliyey dowladda Talyaaniga taageerada hagar la’aaneed ee ay la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Soomaaliya iyo Talyaanigu waxay leeyihiin xiriir qoto dheer oo dhinacyo badan leh oo iskaashi ah.
Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sanadihii ugu dambeeyay dadaal badan ku bixisay barnaamijka deyn cafinta oo hadda meel wanaagsan maraya.