Browsing Tag

heshiis

Soomaaliya iyo Cumaan oo kala saxiixday heshiis is afgarad ah oo ku saabsan kalluumaysiga

 Jimco, May, 24, 2024 (AX) - Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Soomaaliya, Axmed Xassan Aadan, ayaa is afgarad (MoU) la saxiixday dhigiisa wasiirka Beeraha, Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Biyaha ee Cumaan Dr. Saud bin Hamoud Al Habsi.Is afgaradkaan ayaa ku saabsan kaalinta dowladda Cumaan ee horumarinta Kalluumeysiga gudaha iyo sida ay laba dowladood u yeelan karaan iskaashi dhinaca Kalluumeysiga ah.Heshiiskan is afgaradka ah ayaa wasiirka kalluumaysiga Soomaaliya wuxuu sheegay inuu xoojinayo…

Shariif Sheikh Axmed: Dalka kama qabsoomi karto doorasho aan heshiis lagu ahayn

 Axad, May, 19, 2024 (AX) - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheikh Axmed ayaa ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud inuu ku howlan yahay awood marooqsi uu ugu gogol xaarayo muddo kororsi iyo doorasho uu kaligiis maamulayo.Shariif Sheikh Axmed oo hoggaamiyaha xisbiga Himilo Qaran ayaa war saxaafadeed uu soo saaray xisbigiisa, waxaa uu ku sheegay in aysan dalka ka qabsoomi karin doorasho aan loo dhamayn, isagoo madaxweynaha Soomaaliya uga digay inuu dalka u horseedo qalalaase siyaasadeed.Shariifku wuxuu ku…

Gobaladda Waqooyi iyo Itoobiya oo kala saxeexday heshiis Gobaladda Waqooyi loogu tababarayo ciidamo booliis ah

 Khamiis,  May, 9, 2024 (AX) - Gobaladda Waqooyi iyo Itoobiya ayaa magaalada Addis Ababa ku kala saxeexday heshiis ay Itoobiya Gobaladda Waqooyi ugu tababarayso ciidamo booliis ah oo cusub.Heshiiska oo lagu baahiyay barta Facebook ee Ciidamada Booliiska Gobaladda Waqooyi ayaa lagu sheegay in ay dhanacyadu gaadheen heshiis ku saabsan tababarada ciidamada booliiska."Hoggaanka Tababarka Ciidanka Booliska JSL Gen. Cabdi Axmed Tiir  iyo Hogaamiyaha Jaamacadda Ciidamada Booliska Dawladda Federal Itoobiya Mesfin Abeba ayaa kala…

Golaha wasiirrada oo ansixiyay heshiis ku saabsan caddaaladda oo dhexmaray Soomaliya iyo Tuirkiga

Khamiis, April, 2, 2024 (AX) - Golaha wasiirrada ee xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta meel mariyay heshiis dhinaca caddaaladda  ah oo ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga.Wasiirka caddaaladda Soomaaliya, Xasan Macallin Maxamuud, ayaa sheegay heshiiskaan inuu ku saabsan yahay, sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga dhanka caddaaladda ah ee Soomaaliya iyo Turkiga.Wasiirku wuxuu sheegay in heshiiskan uu oggolaanayo isu gudbinta labada dal ee dambiilayaasha xukuman iyo eedeysanayaasha.Xasan Macallin wuxuu sheegay, Soomaaliya…

Waddamada Carabta iyo Bartamaha Aasiya oo Soomaaliya ku taageeray diidmada heshiis Itoobiya iyo Gobaladda Waqooyi

Arbaco, May, 1, 2024 (AX) - Waddamada ku midoobay Madasha Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Carabta, dalalka Bartamaha Aasiya iyo Azerbaijan ayaa waxay caddeeyeen inay si buuxda u taageersan yihiin mawqifka ay dawladda Soomaaliya ka qaadatay heshiiskii ay wada saxeexdeen Xukumadda Itoobiya iyo Gobaladda Waqooyi.Gabagabada shir ay yeesheen waddamadan, ayaa lagu sheegay, in heshiiskaas uu yahay ku xad-gudub bareer ah oo lagu sameeyay mabaadi’da sharciga caalamiga ah, iyo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, xiriirka…

Koonfur Galbeed oo sheegtay in heshiis laga gaaray colaaddii ka taagnayd degmada Diinsoor

 Jimco, April, 26, 2024 (AX) - Wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in xal laga gaaray colaad labo beelood ku dhex martay degmada Diinsoor ee gobolka Baay.Wasiirka arrimaha gudaha, Cabdullaahi Xaaji Xasan waxa uu sheegay in labada beelood ay qaateen nabad. Ka dib dadaalo badan oo la sameeyay ayuu sheegay in lagu heshiiyay in dirir dambe aysan dhicin.“Labada beelood waan isku keennay, waxayna raalli ku yihiin oo qaateen nabadda. Odayaaasha labada beelood iyagoo gacmaha is haysta ayaaan soo…

Kenya oo Soomaaliya la galaysa heshiis ku saabsan Qaadka

Arbaco, April, 24, 2024 (AX) - Wasiirka Horumarinta Beeraha Kenya MKithika Linturi, ayaa shaaca ka qaaday in Kenya ay la saxiixan doonto Soomaaliya heshiis ku saabsan Qaadka Miirwoga, si loo xaqiijiyo waxay ugu yeertay faa’iidooyinka dhaqaale ee joogtada ah iyo in loo helo qaab sharci ah oo ku saabsan ganacsiga qaadka. Mr. Linturi ayaa xusay in dalagyada lacagta caddaanka ah ay yihiin laf-dhabarta dhaqaalaha Meru, taasoo wax weyn ka tarta sida uu sheegay nolosha dadka ku nool gobolka Meru ee Kenya. Linturi, oo ka soo…

Soomaaliya, Talyaaniga ayaa kala saxiixday heshiis

Siihayaha Wasiirka Maaliyada Soomaaliya C / raxmaan Ducaale Beyle iyo Safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Alberto Vecchi ayaa Isniintii heshiis muhiim ah ku kala saxiixday magaalada Muqdisho. Heshiiska oo ah cafis amaah ah ayaa daba socda go’aankii wadamada Paris Club ee looga cafiyey 1.4 bilyan sanadkii la soo dhaafay ee 2020. Heshiiska iyo qorshayaashiisa ayaa sidoo kale in muddo ahba lagu howlanaa sida uu sheegay wasiir C / raxmaan Ducaale Beyle. Wasiirka ayaa sidoo kale uga mahadceliyey dowladda Talyaaniga…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More