Muqdisho (AX) — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay dowladda iyo shacabka Masar, kaddib markii labo tareen oo rakaab ah ay Axaddii isku dhaceen gobolka Giza, halkaas oo ay ku naf-waayeen toddobo qof, tiro gaaraysa 125 kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta dalkaasi.
Qoraal rasmi ah oo Talaado, Nov. 10, ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, ayaa loogu tacsiyeeyay xukuumadda Masar iyo ehellada dhibbanayaashii waxyeelladu ka soo gaartay shilkaas foosha xun.
“Soomaaliya waxay garab taagan tahay dalka aan walaalaha nahay ee Masar xilligan adag. Waxaan Alle uga baryeynaa inuu u naxariisto intii dhimatay, qoysaskoodana uu samir iyo iimaan ka siiyo, inta dhaawaca ahna waxaan u rajaynaynaa bogsiin degdeg ah oo taam ah,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Shilkan ayaa dhacay Nov. 8 degmada al-Ayyat ee gobolka Giza, oo qiyaastii 50 kiiloomitir (31 mayl) dhanka koonfureed kaga beegan caasimadda Qaahira.
Sida ay sheegeen mas’uuliyiinta maamulka tareennada ee Masar, tareen rakaab oo ka yimid Giza kuna socday Fayoum ayaa dhabarka kaga dhacay tareen kale oo marayay khadka u dhexeeya Qaahira iyo Aswan, taasoo sababtay in dhowr qaybood oo tareenka ka mid ah ay wadada ka baxaan.
Wasaaradda Caafimaadka ee Masar ayaa xaqiijisay in shilkaasi ay ku dhinteen toddobo ruux, halka ay ku dhaawacmeen 125 kale.
Guddi samatabbixin ah ayaa goobta ku daadgureeyay 72 gaari oo ambalaas ah si loo daadgureeyo dhibbanayaasha, iyadoo kooxaha badbaadada iyo shaqaalaha tareennaduna ay ku howlanaayeen sidii meesha looga qaadi lahaa qaybaha burburay si adeeggu dib ugu soo laabto.
Dadka dhaawacmay ayaa loola cararay isbitaallada ku yaalla Giza iyo nawaaxigeeda, halkaasoo dhaqaatiirtu ay kula tacaaleen xaaladdooda caafimaad.
Madaxweynaha dalka Masar Abdel Fattah el-Sissi ayaa tacsi u diray qoysaska dhibbanayaasha, isagoo dhanka kalena amar degdeg ah ku bixiyay in baaritaan dhab ah lagu sameeyo dhacdadan.
Wuxuu madaxweynuhu faray hay’adaha ku shaqada leh inay si faahfaahsan u baaraan sababihii keenay shilka, lana maxkamadeeyo qof kasta oo lagu helo dayacaad ama gudasho la’aan xilkeeda ah.
Xeer-ilaalinta dalka Masar ayaa durbadiiba guda-gashay baarista dhacdadan, halka saraakiisha tareennaduna ay goobta geeyeen kooxo farsamo oo si qoto dheer u baaraya tareennada burburay iyo khadka ay ku socdeen.
Dad goob-joogayaal ah ayaa sheegay in meesha ay ka dhalatay xaalad cabsi iyo jahawareer badan, waxaana dadka deegaanka ay si dhow ula shaqeeyeen ciidamada gurmadka si loo soo saaro rakaabkii ku go’doonsanaa qaybaha burburay ee tareenka.
Hay’adda Egyptian National Railways ayaa caddeysay in isu-socodka tareennada ee waddadaas dib loo fasaxay Isniin, kaddib markii shaqaalaha gurmadku ay ka nadiifiyeen haraagii burburka ayna dayactireen biraha khadka ee waxyeelladu gaartay.